Heshiiska Hargeysa Iyo Ileen Xamar Waa Mashruuc, Xilkuun Lagu Siihayaa.

0
Sunday December 29, 2019 - 08:35:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1278
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Heshiiska Hargeysa Iyo Ileen Xamar Waa Mashruuc, Xilkuun Lagu Siihayaa.

    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB). SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB). SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,

BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

 

 

INKAARTII LAGA GALAY ISAAQ,UMMADAHA SOMALIYEED,

DHAMAANTOOD WAY HANTIYI,AXIYO NAXDIN MY KA ODHAN,

OLOLKIYO DABKII LA SUDHAY,ATAAGGII DIYAARARADAHA,

KUMAA ODHAN MAAN OGAYN,HANTIDII LAGA URURIN JIRAY,

HUBKII LAGU DILAYAY IYO,DIRAYSKII LA SOO HUWADDAY,

HAWEENIYO UBAD DHASHIYO,HALYEEYO INTEE LA DILAY,

HARAADKA QAXOONTIGIYO,HANTIDA BURBRTE LA GUBAY,

HALAAGAA LA GEYSTAY IYO,WAXII HAGARDAAMO DHACAY,

KUWII SOO HOGAAMIN JIRAY,HOR FADHIISO AYAA KU YIDHI,

MOORGABA WELI HEEGANO,HOGAAN MADAXWEYNE RABBA,

HUBBUU TURKIGU SIINAYAA,MAR KALE,SI LAGUU HANTIYO,

HURRUDO SOMAALIYEEY,HIDDAHEENII MAXAA KU DHACAY,

HADDAY HEBELHEL MURMAAN,HAB DHAQANBA SOO JIROO,

BELAAYO HORJOOGSAN JIRAY,HAYBTEENA QABIILNIMANA,

HABRAAC DHAQAN BAY LAHAYD,GEED BAY HOOS TEGI JIREEN,

NABADU AY HORSEED U TAHAY,HEERTAANYO CIDDII QABATAA,

HAGOOG LA DULSAARI JIRAY,HOOYO DUCO QAADAO IYO,

HANTIDA GEEL LA SOO TUBIYO,MAG IYO HADAL BAY LAHAYD,

SOMALI HAGAATA IYO,SHANTO ISU HIILISA HALKII LOO MARILAHA,

TURKIGAN DALKA HAYSTA IYO,HIRDANKOODA KHALIIJAKA DHAAF,

HAWSHANI WAXA AY U TAAL,HARGEYSIYO REER JIGJIGA,

N.F.DA LA HAYSTO IYO JIBUUTI HA KA HAWLGALAAN,

HADDII KALE KALA HAGAAG, DIINTAYNU HESHIISH KU NAHAY.

                 ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...