Xisbiga Waddani Oo Tacsi Udiray Ehelkii Uu Ka Baxay Marxuum Maayir Cawl Cilmi
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Mudane: Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka Xisbiga, Fulinta, Golaha Dhexe, laamaha dibedda iyo taageerayaashaba, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maayir Cawl Cilmi Cabdalla oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa 28/12/2019.
Guddoomiyuhu waxa uu ku sifeeyey marxuumka in Uu ahaa tiir weyn oo Qaranka si weyn ugu soo shaqeeyey raadkii wax qabadkiisuna yahay kuwo taariikhi ah oo quluubta shacabka qarankiisa dagay, guddoomiyaha ayaa sheegay in uu cawl ahaa maayir muraayad ka dhigay caasimadda dalka oo taariikhduu dhigay ku dheggan tahay qalbiyada shacabkan raadkii waxqabadkiisuna yahay mid wali nool oo ku nagi ah umadda.
Guddoomiye Cirro. Wuxu mar labaad Alle SWC uga baryayaa marxuumka in uu jannadiisa ugu deeqo dhammaanna Qaranka Somaliland oo dhan Samir iyo iman kaamil ah ka siiyo. asxaabta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Af-hayeenka guud ee Xisbiga WADDANI
Barkhad Jamaac Batuun.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!