Cayn Go'aaggii La Cataab-Taye Cidla Ku Godoon ( Abdi- Shotaly).

0
Thursday December 26, 2019 - 12:21:14 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1312
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cayn Go'aaggii La Cataab-Taye Cidla Ku Godoon ( Abdi- Shotaly).

    Cayn Go'aaggii La Cataab-Taye Cidla Ku Godoon ( Abdi- Shotaly).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cayn Go'aaggii La Cataab-Taye Cidla Ku Godoon ( Abdi- Shotaly).
Fiririq-ddii iyo af-taaggii, anaa awood wax ku marinaaya, yaa wax i yeeli kara? Hanjo-digaagtii uu askarigan " Xaafa-tooyadda" kaga biriq-biriq leynayaa isku maaweelin jirey, ma waxay ku dambeeysey in habeen ugu dumo, waaqla uu meel cuskado la'yahay, waa kii dhibi-shaxan jireye, ee sidda dheri kar dhaafay xumbadda labadda qawlal ka dareeray-saye, maxaa soo kordhay waa kan candhuuftii liqi kari la'e, ee isku raasuqay siddii cunto maalmo meel lagu daboolaye? Loogu taag waayey miyir cagaha dhulka u dhig. Miyey isi soo dabartay isla weyniddii aan wax-ba uga hoosayni? Isaggii qool ma is geliyey aanu iska furi karayn? Maxaa ku dhacay ee ka qayli-siiyey?, Waa kan Carwadda dhexdeeddii qaylo dhaanta isla taagy miciin la'aane. Aan idiin dhex galo waxa oohinta ka shubay ee ka waraaqiyeye. Bal hadda ila akhriya intan soo socota. kolay kuwii sidda gafana kelyuhu fooceen ( Sidda Solteko), weli uma qudh-qudhsana'e. Waxa haawatay haantii buuxday ee la iska dardarsan jirey dheglaydda, beekii la dhaamin jirey baa isna isku soo rooray, oo xeedhadda sal-keeddii baa la soo taabtay, markii hantiddii ummadda lagu kala tegay, haday leeyihiin wax-ba lama hayo, doorasha ma qaban karno, ilaa ay caalamku na caawiyaan, ku darso oo boqolaal kun oo doolar baa kuwii wax u soo saxeexi ( Xamar) jirey loo xambaariyey. beeshii caalam-kuna waxay ka war sugaysaa, halkay ku dambayso wixii uu balan qaaday munaafaqa Hargeysa gebley-shimbirta ka tuntaa. Runta waxa weeye, Somaliland kud aan isaga ahayni ma dilin, horeyso iyo dambayso-ba, ka candho tiray, afarta naasba gooyey, ee nirigtii jaqaaysay ka gawracay, caad inagama saarna ee waa " Raggii ma adigaa ka hadhay". hadaad diido iyo hadaad ogoshay-ba.


Nin baa waxa laga hayaa " Hadaan qaadle jabay, u jixin-jixo, jaliil ha igu tuuro jahanaba" Waxan u soo qaatay, calaacal xumidda uu shir isla soo taagay " Raggii ma adigaa ka hadhay" Ku lahaa waa basiid in Komishanka go'aan laga gaadho iyo waxa uu ku sheegay labadda gole, kuwaas oo ah magac u yaal ( Proper noun), laakiin xaqiiq ahaan ay yihiin wax aan jirin, ee isaga uun bay u adeegaan. Waxa kaaga sii daran micna dari-diisa, khaladka iyo waalidda, baaba'a uu dalka gaadh-siiyey, oo isagu uu aabe iyo hooya-ba u yahay, buu meel kale saarayaa. Miyaanu ahayn kii ilaa iyo intuu Kursiga boobay-ba la lahaa bedel Komishankii hore ee diidanaa? Markii sanka lagaga tolay-na, halkii uu ka wadda eryi lahaa qaar la soo noqday? Ee ku soo biiriyey qaar aan illaahay iyo nebi-toona (csw) aqoonnin, oo ah kuwo dhuunta uun wax ka arka, loona keenay in ay mar kale u boobaan foodka ( Sidda biidhi- qaataha Ina Riyo- Orgeeye), tiina markay dhana u socon weyday, ee qalaylka quraarad timaha lagaga xiiray, ee uu dhafoor sarmay, car iyo car noqotay, waa tii uu indhaha hoos u soo rogay, ee la yidhi wax badan baad cirka eegaysee, hadda dhulka ku foorarso ( Wax lagaa baryaayo maahee). Akhristaw Aakhirkii waa tii ku dambaysay, in aduunku yidhaaho wax aanu ku siinaynaa ma jirto ilaa aad saaxiga keento, oo aad ogolaato go'aankii Gudidda dhex-dhexaadinta. jiq ku noqotay ee uu xaal-kiisu ku dambeeyey, xagu gebi-xaguna gebi, guntu walac, sababaha uu carwadda uga dhex ilmaynayaa waa sidaas, geed qudhaanjo leh buu ku xidhan yahay, ee yaa ka furaaya oo u islaam ah ( Geenyo Shaaximani ha ka furo hadaba), waa taas ciinka daaq-daye.

a la cataabo cayn go'iisa, waa kaas cidla ku godoon-sane. Waxa la yidhi " Tallo xume turuq-yadda buu is gooyaaye" Muwaadin kani ( Waa askariga'e), Mr Geenyo-na wuu ka sii liitaa, oo mid wax ku kordhi-na maahee. Talaabadda uu qaadaaba waa tu uu isku sii dabaayo, caqli uu ku gartana waa ka gabaa-hirig iyo hal bacaad lagu lisay. Waxan ku soo xareeyey qoraalkan. Wixii la isla meel dhigay, wuxuu ka dambay-siiyey, in uu shalay u yeedhay kuwii la lahaa ha kala diro, waa Xaabaddii Komishan cusub ku sheega ahaaye. Ummad yahay, saw may ahayn in uu u cadeeyo geeri-doodda, oo yidhaaho waxan is lahaa iyana waxoogaa haka fara-qabsadeen hantidda dan-yartu ka macaluushay, adna ha kuu muraad qumiyeene, inoo mari wayday oo waan idin kala dirayaa, waayo wixii aan dhoo-dhoobaayey, ee aan madhoodhay-naayey meel mar noqon waaye, ee iska kala taga, meello kale baan idiin baadh-baadhi doonaaye, kuwii buu shalay dib ula shirey ilayn waa maskaxddii aan naqaanaye, oo uu ku yidhi "Halkee wax idiin marayaan? Maxaa idiin qabsoomay? Waxan rabaa in aad hawsha dede-jisaan iyo bacaac kale oo uu kala nac-nac leeyey Guriggii Moorgan markuu ugu yeedhay. Hadaba aan is weydiino'e, Miyaa looga fadhiyey Sidaas? In uu fasaxo oo yidhaaho suuqiina kala gala bay ahayd balan-kuye. tiina muu odhane, Muxuu baroorta ula sare kacay markuu Carwadad ka dhararaq lahaa? Ee uu cid kale u saarayaa reerka uu isagu falay.

* N.B Quud Aan Jirin Qoryo U Guro!
Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...