Muuse Biixi Oo Socod Tamashle Ah Ku Tagay Xaafada Masalaha Ee Hargeysa+Sawiro
Hargeysa(HWN):-Muuse Biixi ayaa maanta kulan tamashle ah ku tagay xaafada masalaha ee magaalada Hargeysa.
Muuse Biixi ayaa oo tashlaynaya wadooyinka kala duwan ee xaafada masalaha ayaa si kadis ah ula kulmay dhalinyaro kubad ku ciyaarayey garoon ku yaala xaafadaasi kuwaas oo uu wakhti la qaatay isla markaana kubadii la ciyaaray.
Sidoo kale Muuse biixi ayaa wakhti la qaatay qaar ka mid ah dadweyne ku sugnaa makhaayad laga shaaheeyo taas oo uu kaftan iyo wada sheekaysi la wadaagay dadkii uu kula kulmay.
Qorshaha uu muuse biixi ku tagay xaafada masalaha ee magaalada Hargeysa ayaa u muuqday mid socod tamashle ah oo iskaga dajinayo xaraarada siyaasadeed ee uu dalka ka kiciyey iyo jawiga cakiran uu haatan wajahayo.
Ma jiro qorshe uu dajiyey oo haba yaraatee uu Muuse Biixi ka lahaa socdaalka uu ku tagay xaafada masalaha ee Magaalada Hargeysa.