"Arinta Caare Markuu Dalka Soo Galay Anigu Ma Joogin ,Isaga Oo Qardho Jooga Ayaan Anigu Dhoofay" Maayirka Ceerigaabo

0
Tuesday December 03, 2019 - 16:33:03 in News by
  • Visits: 3861
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Arinta Caare Markuu Dalka Soo Galay Anigu Ma Joogin ,Isaga Oo Qardho Jooga Ayaan Anigu Dhoofay" Maayirka Ceerigaabo

    "Arinta Caare Markuu Dalka Soo Galay Anigu Ma Joogin ,Isaga Oo Qardho Jooga Ayaan Anigu Dhoofay" Maayirka Ceerigaabo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Arinta Caare Markuu Dalka Soo Galay Anigu Ma Joogin ,Isaga Oo Qardho Jooga Ayaan Anigu Dhoofay" Maayirka Ceerigaabo


Hargaysa(HWN):- Maayirka degmada Ceerigaabo Ismaciil Xaaji Nuur mid ka mid muuqbahiyasha dalka u waramayay ayaa iska difaacay eedaymo uga yimid maalintii shalay mid ka mida xildhibanada deegaanka Ceerigaabo ee uu hogaamiyo, kaas oo ku eedayay maayirka inuu ku kacay musuqmaasuq.


Maayir Ismaciil ayaa oo ka hadlayaa edaymaha lasoo jeediyay ayaa yidhi"Arinta ninka xildhibaanka ee Jamac Jibriil Jaamac ku hadlay waxa loo bartay oo caado laga dhigtay,nin walbaa waxuu doono uu ku hadlo oo tviyadda la iskaga jawaabo,oo aan hore loo raacin,arintaa waxaan ka jooga dawlbaanu nahay,sharcibaanu leenahay sharcigaan ka fadhiyaa,haya'daha sharciya ayaan u gudbinayay,arinta iyadda waxana ku kalsoonahay waxii ka soo baxa sharciga ayaan ku kalsoonahay,een isagana ka jawaabi doona,caydayntana laga sugayaa inu keeno". Ayuu Yidhi Maayirku 


Maayirka ayaa ka jawaabay su,aal nuxurkeeda ahaa in Xildhibaanku ku eedayay inuu asaska jabahada caare uu qayb ka ahaa waxana u kaga jawaabay maayirku sidan"Arinta Caare markuu dalka soo galay anigu ma joogin,isaga oo Qardho jooga ayaan anigu dhoofay,oo aan halkan imid oo aan turkiga qabtay,aniga oo wadanka Turkiga jooga ayuu Caare soo Galay."ayuu ku jawaabay Maayir Ismaciil.  



HadhwanaagNews.com 
Hargaysa/Office
Loading...
Loading...