Googaa? Cigalle! By Maxamuud Ibrahim (Xaaji)
Cigalle: Waa Muuse Biixi.
Googaa: Haddaan ehel waayey miyaan Amxaaro waayey?
Cigalle: Waa Farmaajo
Googaa: Markii la kurboodo Kenya adeegso?
Cigalle: Waa Axmed Madoobe
Googaa: Markii la is cidhiidhyo xaggiyo Carabtayda?
Cigalle: Waa Deni.
Googaa: Dadkaygu yeelkoode dantaydaan raacan?
Cigalle waa Lafta-Gareen
Googaa: Markii lay go'doonsho anaa goofkaan leh?
Cigalle: Sheekh Shariif
Googaa: Madaxweynanimadayda muraadkaygaan ku qunsadaa?
Cigalle: Waa Waarre.
Googaa: Markay isku dhabaqdo dhallinyarada ku eero?
Cigalle: Waa Khayre
Googaa: Cidina ima aragto, haddana cududayda, anaa carrigoo dhan, ciyaarta u qaybsha, cumaamadna saara, ninkaan calman doono?
Cigalle: Waa Fahad.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!