Turkiga Oo Eedeeyey Dawlada Faransiiiska

0
Friday November 29, 2019 - 15:07:00 in News by
  • Visits: 1095
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga Oo Eedeeyey Dawlada Faransiiiska

    Turkiga Oo Eedeeyey Dawlada Faransiiiska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Turkiga Oo Eedeeyey Dawlada Faransiiiska


Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron inuu "maalgaliyo argagixisada", wuxuuna gaashaanka u daruuray dhaleeceyntii uu hoggaamiyaha Faransiisku u jeediyay weerarka ay Ankara ku qaadday gudaha Suuriya.

.


Mevlut Cavusoglu ayaa warfidiyeenka u sheegay in Mr Macron uu doonayay inuu noqdo hoggaamiyaha Yurub, balse "uu marba dhinaca u boodayay".


Bishii lasoo dhaafay, Mr Macron ayaa martigaliyay sarkaal sare oo ka tirsan xoogagga ay kurdiyiinta hoggaamiyaan ee Suuriya(SDF).


Turkiga ayaa garab ka mid ah ururkaas oo magaciisa loo soo gaabiyo YPG u aqoonsan dhaqdhaqaaq argagixiso ah.


Galinkii hore ee maanta oo Khamiis ah, Mr Macron ayaa sheegay inuu ku saxnaa hadalkii uu saddex isbuuc ka hor ku sheegay in isbahaysiga Nato uu yahay "mid maskaxda ka dhintay".


Wuxuu sheegay in dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga ay u baahan yihiin "inay hurdada ka kacaan", maadaama aysan ku dhaqmeynin xeerarkii muhiimka ahaa ee la dajistay.


Macron wuxuu sidoo kale dhaliilay sida ay Nato ugu guuldarreysatay inay ka jawaabto gulufkii uu Turkigu ku qaaday xubin ka mid ah Nato - oo ah xoogagga ku sugan waqooyiga Suuriya.


Muxuu yidhi Cavusoglu?


Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga oo maanta warfidiyeenka kula hadlayay xarunta baarlamaanka ayaa yiri: "Macron wuxuu horayba u maalgalin jiray argagixisada wuxuuna u martigaliyaa si joogto ah. Hadduu leeyahay xulafadiisu waa kooxaha argagixisada ah... runtii wax kale oo u harsan inuu sheego ma jiro".


"Wakhti xaadirkan, waxaa Yurub ka jira jahwareer, Macron wuxuu doonayaa inuu hoggaamiye u noqdo, laakiin hoggaamintu waa mid u timaada si dabiici ah".


Turkiga ayaa si weyn u carooday markii uu Mr Macron 8-dii bishii October magaalada Paris wadahadal kula yeeshay afhayeenka ururka SDF Jihane Ahmed


Source:-BBCsomali
Loading...
Loading...