Arsenal Oo Eriday Tababariheedii Unai Emery Badalkiisana Magacawday

0
Friday November 29, 2019 - 14:53:52 in News by
  • Visits: 1479
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arsenal Oo Eriday Tababariheedii Unai Emery Badalkiisana Magacawday

    Arsenal Oo Eriday Tababariheedii Unai Emery Badalkiisana Magacawday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arsenal Oo Eriday Tababariheedii Unai Emery Badalkiisana Magacawday


Kooxda Arsenal ayaa ugu dambeyntii qaadatay go’aan ay shaqada kaga ceyrineyso tababare Unai Emery kadib markii kooxda ay heshay natiijadii ugu xumeed muddo 27-sano ah.


Macalinkaan reer Spain ayaan kooxda guul u keenin toddobadii ciyaarood ee ugu dambeeyay, waxaana xusid mudan in xalay 2-1 guuldaro ah ay ka qaateen kooxda reer Jarmal ee Eintracht Frankfurt kulan ka tirsan tartanka UEFA Europa League.

Image may contain: 1 person, outdoor


Unai Emery ayaa badalay Arsene Wenger oo muddo 22 sano ah ku sugnaa Gunners, 18-kii bilood uu kooxda maamulayay ma keenin natiijo aan aheyn inuu kooxda fasalkii hore geeyay finalka tartanka Europa League.


Tababaraha la ceyriyay ayaa saxaafadda u sheegay kadib kulankii xalay iney diirada saaraan kulanka ay la ciyaarayaan Norwich City, balse masuuliyiin ka tirsan Gunners ayaa u fariistay xaaladiisa maanta waxeyna isku raaceen in la joogo wakhtigii laga diri lahaa kooxda.


Freddie Ljungberg oo hore ugu soo ciyaaray kooxda Arsenal ayaa si ku meel gaadh ah loogu magacaabay inuu u hogaamiyo kooxda Asenal


 

Loading...
Loading...