Qaramada Midoobay Oo Shaacisay In Zimbabwe Ay Qarka U Saaran Tahay Macaluul

0
Friday November 29, 2019 - 09:36:14 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1100
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay Oo Shaacisay In Zimbabwe Ay Qarka U Saaran Tahay Macaluul

    Dalka Zimbabwe ayaa qarka u saaran macaluul

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Zimbabwe ayaa qarka u saaran macaluul
ay bina'aadamka gacmahooda ku kasbadeen,waxaa sidaasi sheegay sargaal ka tirsan Qaramada Midoobey.

In ka badan 60% ka mid ah 14 milyan ee dalkaasi ku nool ayaa waxaa haysata cuna la'aan sida daraasada lagu xusay .



Sicir-barar,saboolnimo,musiibooyiin dabiici ah iyo cunaqabataynta dhaqaale ayaa lagu tilmaamay in ay yihiin waxyaabah arrintan loo aaneyn karo.


Haweenka iyo caruurta "ayaa ka mid ah dadka ay dhibaatada ugu badan saameysay ".

Caruurta 90% ay dad'dooda ka yartahay 6 bilood ilaa labo sano jir ayaan helin cunnooyiin loo baahnaa.

Hilal Elver, oo ah haween u qaabilsan Qaramada Midoobey xuquuqda helidda cunnada ayaa warbixintan soo saartay ka dib 11 maalmood oo ay dalkaasi booqasho ku joogtay.


Waxay sheegtay in dadkii ay la kulantay intooda badan ay awoodaan oo kali ah in maalinkii hal waqti ay wax cunaan islamarkana caruurta intooda badan ay ka muuqatay tabardaro iyo miisaankooda oo aad u hooseeya.


"Sheekooyiinka murugada leh ee aan ka maqlay hooyooyiinka adkeysiga badan ee isku dayaya inay caruurtooda ka badbaadiyaan macaluul waa mid aan waligey xusuusteyda ka go'i doonin",ayay tiri Hilal Elver.

Nafaqa daro baahsan ayaa ka jirta guud ahaan dalka Zimbabwe.


Abaarta iyo cimilo aan la saadaalin Karin ayaa waxyeelo u geysatay dalagyadii beeraha,waxaana sidoo kale xaaladda sii murjiyay sicir-barar baahsan oo dalkaasi ka jira.


Ms Elver ayaa sheegtay in dadka reer Zimbabwe ee ay la hadashay ay u sheegeen "in xitaa cunada suuqyada taala ay lacagta yare e ay haystaan aysan waxba u goynayn sicir-bararka dalkaasi oo gaaray 490%,darteed.


Waxa ay intaa ku dartay in waxyaabaha kale ee xaaladda sii murjinaya ay ka mid yihiin musuqmaasuq baahsan iyo cunaqabataynta dhaqaale ee saaran dalka Zimbabwe.


BBC

 

Loading...
Loading...