Maxay tahay sababta loogu maadeysanayo madaxweyne Donald Trump?

0
Thursday November 28, 2019 - 13:29:37 in News by
  • Visits: 2099
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay tahay sababta loogu maadeysanayo madaxweyne Donald Trump?

    Maxay tahay sababta loogu maadeysanayo madaxweyne Donald Trump?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay tahay sababta loogu maadeysanayo madaxweyne Donald Trump?

Hargeysa(HWN)Dad badan oo ku sugan dalka Mareykanka iyo guud ahaan caalamka ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku maadeysanayay Madaxweynaha dalkaas, Donald Trump, kadib markii uu baraha bulshada soo dhigay sawir.

Madaxweyne Trump ayaa akoonada uu ku leeyahay baraha bulshada, sidafacebookiyo Twitter soo dhigay sawir lagu tilmaamay "been abuur", oo uu leeyahay qofkale, kaas oo uu Madaxweynaha ku dhajiyay wajigiisa.

.


Sawirka oo uusan wax qoraal ah la soconin ayaa asalkiisa waxaa lahaa oo uu madaxweyne Trump kasoo minguuriyay sawir uu leeyahay jilaaga caanka ah ee reer Mareykan, Sylvester Stallone.

Sawirka ayaa qeyb ka ahaa filmkii caan baxay ee Rocky IV ee soo baxay sanadkii 1982, waxaana aan la ogeyn sababta Madaxweynaha ku dhalisay in uu badelo sawirka.

Sawirka oo Sylvester uu xiran yahay dharka feerka, dhexdana ay ugu xiran tahay suun aad u weyn ayaa madaxweyne Trump waxaa uu kurka sare ee sawirka ka jaray madaxa jilaaga, waxaana uu ku dhajiyay sawir muujinaya madaxiisa.

Filimkaas ayaa qeyb kamid ah waxaa ku jiraa tartan dhanka feerka ah oo uu ka qeybgalay jilaaga Sylvester, xiligaas oo la qaaday sawirka haatan "uu badelay" madaxweyne Donald Trump.

Trump ayaa sidoo kale badelay muuqaalka qeybta dambe ee sawirka, waxaana uu ku badelay oo ka soo muuqday sawir la qaaday xilli uu ollole ku qabanayay gobolka Florida ee dalka Mareykanka.

Inkastoo aan la fahamsaneyn ujeedada dhabta ah ee sawirka Trump soo dhigay baraha bulshada, haddana dadka qaar waxay u fahmeen in uu ula jeedo ama uu jeclaan lahaa in uu yeesho qaab dhismeedka jirka ee jilaaga Sylvester Stallone, halka kuwa kalena ay moodeen in Madaxweynaha uu sawirkaas ku muujinayay 34 sano guuradii ka soo wareegatay markii lasoo bandhigay filmkii Rocky IV.

 

Source BBC

 

Loading...
Loading...