Muranka Xubnaha Koomishanka fursad noocee ah baa uga bannaan Xisbiga WADDANI?
Muranka Xubnaha Koomishanka fursad noocee ah baa uga bannaan Xisbiga WADDANI?
Waa fursad, dahabi ah oo ay ku lamaantahay Guul taariikhiya, oo siyaasadeed, mid magac iyo mid sumcadeeba. laakin waxay ku xidhantahay sida geesinimada leh ee ay u qaatado go,ankas cida marka ay u banantahay, oo ah Xisbiga Mucaridka ah ee Wadani.
Wa maxay jaaniskani hadaba? kolay arrintan ma raali galinayso in badan oo arrimaha siyaasada iyo afgaarahooda ku eega ama ku cabira, waxna ku taagera. balse Waxay fursadani dahab uga qaalisantahay cid kasta oo caqli fayow had iyo jeer ku cabirta ama kaga fakarta arrimaha siyaasada.
Hadii aan arrintan ama fursadan usoo noqdo, waa fursad ama jaanis kaliya u banaan Xisbiga wadani, balse ka xidhan asxaabta kale iyo Xukuumada.
Waxay tahay, Xisbiga wadani Xubintii uu diidana ee ina riyo raac, khilaafkeedi heer beelaysan aya la gaadhsiiyay, oo wan la socono murankeedu halka u taaganyahay.
Haddaba, Xisbiga Wadani Ma samayn kara in u xubanhan komishanka lixda ah sidooda ku ayido, islamarka in uu Xubintiisa ka maqan hada komishanka usoo magacaabo Xubin ka soo jeeda besha Ina riyo raac.?
Fursadaasi, oo ah goaan adag , hadii ay qaatan qolada wadani guul intee leeg ayay u soo hoynaysa Xisbiga wadani, iyo madaxdiisa?
Mase cayaari karaa gamekan cajiibka ah.ee dhankastaba Credit siyaadadeed uga soo hoynaya Xiabiga?
hadii u qaato goankan faaido ma u tahay Xisbigu mise wa ku khasaaraya?
Ma u aragtaa guul siyaasadeed qaadashada go,aankan?
bal Aragti fayow oo ku dhisan barnaamijyada siyaasada hada ku eeg jaaniskan? Jawaabaha sualahani wa u furanyihiin bulahada aragtida fayow, ee ka fog qabil iyo caadifad.
Wa bilaahi tawfiiq.
Cali Xasan Cawaale
Hargeisa,Somaliland
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...