Milgihii Somaalida

0
Thursday November 21, 2019 - 17:11:29 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 711
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Milgihii Somaalida

    Bani aadamku waa mid dabci ahaan usmaysan bulshaawi islamarkaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bani aadamku waa mid dabci ahaan usmaysan bulshaawi islamarkaan
unoolaada kooxo  necebna  kali ahaanshaha   iyo cidla, hadaba markii alle keenay dunidan  bani aadamka  waxaaa uu soo raaciyay nidaam  am shuruuc  ay  ku hagaan baahiyahood  duniyo iyo  aakhiro. Dabeecadu waamid jaan goysa  sida aya bulsho  ama dad yow  unoolaan lahaayeeen tan  waa mida  keensatay kala duwanaanshah  bulsheed  ee dhaqan xeerer , , diin  iyo siyaasad ba  tusaaale waxaan usoo qaadan karnaa deeegaanka . oo ay  usamaystaan  shuruuc hadba say  ula tacaamuli lahaayeen xilyada  adag  ee ay sababaan dabeecaduhu , metelan  dadyawga soomalidu  waxay leeyihiin caadooyin ah  alla bari ,  iyo xusas kale  ooy kula tacaamulaan  dabeecadaha deegaanka  kadhasha  sida abaarha  iyo duufaanada dhanka  kale    Soomaalidu waa dad milgo  ahaan iyo sharaf ahaan lagu  tiryo dad aad  uqiimo badan , dhaqan ahaana  aad  ugu horeeya marka labarbar dhigo umadaha  kale – waa dad  aad ugu dhegan qiyamkooda  islamarkaana kataxadara   isbadal kasta  oo ku yimaada dhaqankooga , haybtooda  iyo wax kasta oo agtooda  kuwayn  ama  ay kasoo  gaadheen   aabayaashood ka awow  ilaa awow oo ay   uga dhigaan  hadyad ubadkooda  imandoona .  waxay ahaayeen kuwo  iyagu leh caadooyin  iyo  dhaqano  am  xeerar  ay isku dhaqaan  oo  u kala haga  saxooga  ama khaladkooda , waxaynu  ka arki karnaa siday  ugu  dhagnaayeen dhaqankooga  oo ay  uga ilaalin jireen  inuu leexsamo ama  ay ula yaabanaayeen   wax kastoo cusub  gabayadood. Iyadoo markaa uu gabaygu  ahaa halku dhega  kaliya  ee laysugu soo hagaajiyo  ama lagu fidiyo  wararka  kuna jiray booska isgaadhssinta  ee maanta . waa kan  midka mida  abwaanadii soomaaliyeed oo tibaaxaya in gassinki uu cuni jiray  aanu jirin  wax udhigmaa  ayaa waxaa uu yidhi :  ‘’ caanihii  hasha suubiyo  cad aan siiga  kuduulinbaa calafkaygu  ahaaye bariiskaa lacaseeyiyo  caleentaa kudul daadsan  caraaban ka  xigaaye abti caawa  idhoofi’’. Hadaba  ma ahayn cali koore  waxa kayeedhsiiyay  inuu  ka caraabo cunto  xumi  laakiin waxay ahayd  inuu rabay  inuu ilaaasho wax uu hibo ulahaa  hidana ulahaa  iyo  kahor imaansho uu kahor yimi  waxaanu aqoon inuu qaato.  Sikasta  oo aynu u eegno   milghii  iyo hidihii ay lahaan jireen   soomaalidu   qarniyadii hore  maaha mid aynu  kusoo koobayno  bug ama  waraaq  hasa ahaatee waxaynu  tibaaxi waxay nu  tibaaxi waxaynu kagaadho  tusaale waxaynu  tilmaami doonaa waxay ka lahaayeen:

Lis Dairy

Haasawaha guurka  :   guurka  soomaalida waxaaa uu ku ahaa  wax miisaan culusle  oo oo  aan dhayal lagu  gaadhi  Karin , xaqiiqatan  ninka guurdoonka  waxaaa uu ahaa mid inbadan  baadha ama raadiya   lamaantiisii uu nolosha lawadaagi  lahaa isagoo dabaqaaya  maaahmaahdii soomaaliayeed  ee can baxday  ‘’ wiilkaagu maalin buu  hiil kaaga baahanyahay ‘’ oo macnaha  aya wadataa yahay  inaad ilamahaaga  usoo doortaa  hooyo wanaagsan  oo hagta mustaqbalkiisa aduunya iyo  aakhiro  inataba , dhanka kala  waa mid arinkani si toosa  u faaqsan diinteenii suubanayd   taasoo uu nabigu  dhiiri galiyay in dumarka  lagu xusho  sifooyin dhawra   sida diinteeda , maalkeed, iyo quruxdeeda uuna sii dhiiri galiayay   ta diinta leh . marka  wiilku  uu gaadho daddii  guurka , waxaa uu bilaabi jiray  xarago kabadan tii  hore , sigaara  waxaa loogu  yaqiin  ciyaar gudka  iyo fiir fiirinta meelaha  dhalin yaradu isugu timaad  oo karaadin jiray calafkiisii

 

Dagaalka:  markii colaaduhu iyo guluftu   ay dhacaan   waxaa kareebanayd  colka weerarka   qaaday arimao  dhawra   oo ugu muhiimsanayd birimagaydada  ay kamidka yihiin , dumarka , caruurta , waayelka badlekeedana  waxaa bartilmaameed  u ahaa  raga gulufka  kujira, ceeb iyo gunimo  ayay  u  hayd colkii  intaa  kusifooba


 Xididnimada  ama xigaaalaka : sidaynu hore usoo  tilmaananay  guurku soomaalida waxaa uu ku ahaa  wax aad  u weyn  oo ay aad  u qadariyaan  waayo ninkii  reer lihi  waxay uarki jireen soomalidu  inuu  yahay nin nasiib le  maadaama  uu yahay laba tole  uciirsan kara  dhan walba  oo  laan dheera lagu tilmaami  karo  isla markaan hiil iyo  hooba lalabarbartaaganayahy – waa ta keentay in  abwaamkii weynaa , sheekhii  , iyo caalimkii sayid mahamed  abdile Hassan  uu hibeeyeya  faraskiisi qaaliga  ahaa ee kumagac  dheeraa xiin finiin  islamarkaan  jacaylka uu uqabay  aynu  ka arki karno gabaygiisii ahaa[   waa xiin finiin  neefkaad  xadhiga haysaa] . sayidku  waa bixyay ama  waa hibeeyay  wixii  agtiisii ugu  qaaalisanaa  oo haa faraskiisii  isagoo ilaalinaaya  Milgihii soomalida


Jacaylka :   Jacaylku waa dareen  soo jiidasho iyo kahelitaan  aad kaheshid qof  ama shay,   oo waxaad leedahay marka aad tilmaamaysid   waxaa waan kahelay  ama uu isoo jiitay  badanaa waxaa loo eegaa  jacaylka inuu yahay qaybsi ama  iswaydaarsi dareen oo udhexeeeya  laba  qof. Soomalidu  jacaylka waxaa  uu ugu jiray   door muhiima   waa kan raage  ugaas oo tibaaxaya ;;  hadii  gabayga uurkoo  buktiy  arimi kaakeeniin ase   aan olol jacayl  iyo xanuun kugu ijbaaraynin  afkuunbaad  kaleedee , waa tibaaxa  uu kutilmaamayo in  jacaylku yahay  waxayaabaha keena inuu qofku noqdo  gabyaa


 Xus  diimeedka :  inkastoo soomalida  lagu tilmaami jiray  dad  xoolo dhaqata   oo anay duruuftu  usaamixin  inay  helaan   nolol  lamida dad yawga   dunida  kale kunool ee  hela  baahiya asaasiga  sida  waxabarahsada   dhanka kalena  qodaobkani waa  ka  sababy inay  soomaalidu  ubataan kuwo  aan waxbana  akhriyin waxbana  qorin hadana  iyadoo saaa tahya  waxay ahayeen  kuwo ay aad ugu  weyntahay  maxabada diinta  iyo  rasuulkii suubanaa . rag iyo dumarba  waxay ahaayeen  kuwa kusuntan oogitaan xus diimeedayad iyagoo ulajeeda inay ugu  dhawaadaan  allah subaaxan watacaala


Nabada  : noolo  kastoo  dunidan kunooli  wuxuu jecelyahay  dganaanshaha iyo xasiloonida  waa ta  keentay in  meelaha colaaduhu  ragaadiyeen ay ka hayaaman  xayawaanku  iyagoo baadi goo bay  goo b daganaanshiyo  leh isla markaan ay ku aaman galaan oo  nastaan . soomalidu   waxay kumaahmaahi jirtay nabad baa hadhmacaan leh  oo  ay ula jeedaan  nabadu inay  dan utahay  dhamaan makhaluuqa  kawkan   alle ku abuurtay – waxaa door weyn kulhaa nabadyanta  oday dhaqameedyada ,  culimada  aadka  loo  qadariyo oo  ahaa xidhaha  nabada   


Martigalinta:   martigalinta iyo sooryayanta  martidu  waa waxay caanka kaga  haayeen  dhaman dadyawga  kale  ee ay ood wadaagta  yihiin  . waata keeentay  is jacaylka ay caanka  kuyihiin  soomaalidu , waa tu kutoosan  diinta suuban  ee uu alle inoo soo dajiayay

 

Si kastooy ahaato  dhaqan ka  soomaalidu wuxuu ahaa mid  aad  uqaaliya , waa mid  dhamaan buuxiya  shuruucduu alle  ugu talo galay  dadkiisa kuwaasoo  u hogaan samay . hadaba  tobanaanki sano  ee udanbeeyay   waxaa uu  dhaqankaa suubanii  midkasii halaabay  jiilkan hada jooga  kuwaasoo lasoo kawsaday  burburkii dawladiii dhexe   oo sababay fasahaad  bulsho  oo ah xaga  dhaqanka  iyo bulshada intaba , maanta  dhaqankii  ay lahaayeen   ee  aadka ugu adkaayeen maanta  waxaa uu kunoqday  ka eegteena mid gabi ahaanba  katirtirmay gaydiga  iyadooy  ugu wacantahay, technologiyada casriga, siifidi taanka  maagaalooyinka, isbadal nololeedkii  miyiga  oo isu badalya  mid magaalo iyo kuwaalo badan oo kale  si hadaba aynu  u yarayno   waa muhiim In  laqaado talaabooyinkan hoos  kuqoran:

·      Kala xadaynta miyiga  iyo magaalada

·       Samaynta xarumo  lagu barto  dhaqanka

·       Tartan wata  abaal marino  oo lagu dhiiri galinayo halbuurka

·       Baahinta barnaamijyo  lagu  dhirigalinayo dhaqanka

 

          Abdirasak  Hassan ali       0634675486

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...