Madaxwayne Muuse Biixi Mise Mr Baloodh.

0
Wednesday November 20, 2019 - 08:55:37 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1471
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Muuse Biixi Mise Mr Baloodh.

    Muuse Biixi Cabdi waxa uu soo galay hayaan dheer

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Cabdi waxa uu soo galay hayaan dheer si uu u noqdo madaxwaynaha Somaliland. Magacyo badan ayuu ku la baxay hayaankaasi  sida:  Muuse Shaani, Muuse Iga-reeba iyo kuwa kaleba.

 

Sidii u u noqday madaxwaynaha dalkaba muuse lagama arag wixii laga filayay waxa la islahaa waa mujaahidkii dalkan iyo dadkanba hore u gu soo halgamay ee maantana halgankiisi ayuu finish line ama bar dhamaadka jogaaye si qurux iyo qaayo leh ayuu u dhamaysan donaa, mase dhicin. Halgan kan SNM ma bilaabin ee waxa ilayskii ugu horeeyay shiday ragii rabay inay soo celiyaan madax bananida qarankan Somaliland 1961 kii, ha ugu horeeyo Xasan Cabdiaahi Walanwal iyo jaalayashii ay ka mid ka ahaayeen Koongo oo wali nool, Bidixo, Cabdilaah Caabi, Siciid Cali Giir iyo qaar kale.

Aan ku soo noqdo Muuse iyo madaxwaynanimadiisa oo ilaa hadda laga hayo arimo yaab leh kuwaasi oo ay ka kamid tahay dal balaadhsi ay isaga iyo qoyskiisa xubno kamid ahi blaabeen. Waxa xubnahaasi ka mida qaar uu Muuse uga gacan hadiyay USA, sida walaalkii oo malaha ku riyoonaya lacagtii uu ka soo qaban waayay USA inuu ku sameeyo real estate Dhulka ah isagoo u tafoxaytay boob ka dhan ah muwaadiniinta danyarta ah, isku halaynna ka qaba walaalkii muuse wax ma yaqaaa oo ka danbeeya daaha dabadiisana ka hagaya.

 

Waxaa dhab noqotay sheeko laga wariyay Joomi kiiniyaata, madaxwaynihii ugu horeeyay ee Kenya kaasi oo ku tilmaamay somaalida inay yihiin kuwo sheegta meel kasta oo ay hashoodu daaqday. Ma geelayga ayaa halkan daaqay ayaa meel lagu yeesha oo ay hantidaada ku noqonaysa? waa yaabe.  Jawaabtu waa "Haa” dadka qaar agtooda oo waa ay ku dhagayaan maahee laga furfuri maayo.  Waxa kuwaa maanta ka dhigan qoyska reer Biixi Cabdi oo meeshii banaan ee ay arkaan ee qaaliyaba go’aansaday inay isku qoraan wax kasta oo ay kalifayso haddii ay xataa gacan ka hadal tagayso. Waxaa bay u muuqaataa in ku talgalkooduba sidaa ahaa markii hore, ha kuu joogto wax kale oo qaranka loo qabto oo la gashadee.

 

Waxaase dadku yaabkoodii liqeen markii ay soo baxday fadeexadda ah inay ku qabsadeen guri uu dhisanay nin macallin ah kaasi oo dhulka ku iibsaday tacabkii dhididkiisa oo uu muddo dheer u samrayay inuu maruun arko hanti uu xooggiisa ku dhistay. Waxa ay hadh cad isku dayeen yar uu abti u yahay Biixiga is mahadiyay iyo ninka ka soo dalandoolay USA ee ay Biixi walaalaha yihiin inay indhaha u saabiyaan Maxamed Soomaali oo ah Macallinkan la doonayo in la dhaco

 

Mar la isku dayay in la dhexdhexaadiyo macallinkan gurigiisa laga joojiyay ee lagu andacoonayo in dhulka uu iibsaday ay ilma Biixi lahaan jireen waxay ku tiraabeen in macalin Maxamed Soomaali u doonto ciddii ka iibbisay dhulka lacagtiisii sidaana kaga kaco dhulkii uu guriga ka dhisanayay, taasi oo ah xukun qarqoosh cusub oo ay la shir yimaadeen reer Biixigan Ooman ee meel kasta Cunaha iskaga duubaya. Haddii ay sidaa u arkaan caqli saliima oo ay meel kasta iminka yeesheen bacdamaa Muuse (Wax ma yaqaan) xagga danbe ka hagayo maxay iyaguba ugu doonan waayeen cidda Macallinka ka iibbisay? Haddii ay run tahay inay lahaan jireen maxay ugu cadayn waayeen Ina Garas oo Warbaahinta ka sheegay inuu isagu Macallin Soomaali ka iibbiyay dhulka? Waxa halkaa ka cad in aanay sharci ku doodayn laakiin ay u arkeen inay tun jilacysan karaan Maxamed waxaana maanta arrinka Macallin Maxamed Soomaali ka hawl galaya guddo iyo Dibadba dad badan oo beeninaya damaca Biixi iyo qoyskiisu ku soo qaadeen Macalin Maxamed Soomaali.

 

Aan ku soo Af-meero Maqaalkan fariin aan u dirayo Madaxwayne Biixi. Ma waxa ay talaaddii iyo halgankii iyo hayaankii dheeraa ee aad u soo gashay in maalin uun Eebbe kugu fadhiisiyo kursiga madaxwaynenimada Somaliland ku soo ururtay  inaad baloodh yar oo dhul ah. Waxaad na tustay halka aad ka taagan tahay xorriyaddii luntay 1960 soo celinteedii oo qaar badani u dhinteen qaarna u agoomoobeen qaarna u curyaameen. Mar haddii aad tahay kaa aan kor ku soo xusay miyaan la odhan Karin ma tihid Madaxwayne Muuse ee waxaad tahay Muuse Baloodh.

 

Cabdi Muxumed

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...