Ku Dayo Madaxweyne Mustafe Cagjar Ku Dayo

0
Wednesday November 20, 2019 - 08:47:58 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1694
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku Dayo Madaxweyne Mustafe Cagjar Ku Dayo

    Dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo.dhaqankoodu mid maaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo.dhaqankoodu mid maaha . Dhaliil la iskama qaato . DHafoor taabasho weeye . Dhibtana la iskuma eego.daily way kaftamaan . Hadana la isma dhegaysto.Dhoohanaad tahay waalan iyo adaa dhoocil ka liita warkoodaa ku dhamaadee .Kaalayoo bal dhegeyso.

 

Dhaqane:Ku dayo madaxweyne Mustafe cagjar ku dayo.

Dhaashane:  waar maxaad akhriyeysaa maanta?

Dhaqane: Hees baan samaynayey

Dhaashane; Waar heesna garan mayside waxan ku waydiiyey .Dalka ma rabshada ka daysaan.Hada janaral Saqadhi waxba kama taqaaniine haduu cadhoodo jeelkuu idinka buuxin doonaa.Sow maydaan dhegaysanayn maalintii uu xilka la wareegayey wuxuu yidhi;Anigu sharcigaan aad ugu adagahay is ilaaliya.

 

Dhaqane;Yeelkeedee horta shalay si fiican buu sameeyey .Mar hadaanu shacabkii masaakiinta ahaa xabad la dhicin.waxanse idinka idin waydiiyey .miyeydaan xasuusan berigii aa mucaaridka ahaydeen wixii aa samayn jirteen?hal qof xataa ma la idinka xidhay berigaa? Idinkuna masuuliintii xisbigoo dhan baa jeelka ku gurteen.Adeer inigaa taliniya afweynaanu ka diidnay macadala waa ina Kahin.

 

Dhaashane:Dalku sharcuu leeyahay adeer.

 

Dhaqane:horta sharci sharci duun baa gurtaane .sharcigu idinka idinma qabto miyaa?waar inaadeer ilaahay ma laga baqaa.Dalka waxa sidaa u galay maaha xukuumada .waa golayaashan fadhiidka ah een waxba dadkii soo doortay u qaban ee xaaraan ku naaxa miidhan noqday.

 

Dhaashane: ma guurtida mise wakiilada?

 

Dhaqane:Guuri kulahaa! Waar guurti lahaane ,gafanayaasha na dhaafiya.waar heestii aan kuu sheegee waxan idhi:

 

Ku dayo mustafe cagjar ku dayo

Ku dayo madaxweynaha ku dayo

 

Siidaynta maxaabistiyo

Jeelasha dugsiyada u bedelay ku dayo

Dareenka soomalinimaa

Dhammaan ina deeqa yidhi ku dayo.

 

Dalkiisoo nabad ah iyo

Shaqaale la doortayoo

Dadkooda u daacadaa

Distoorkiisuba yahee ku dayo.

 

Waa qalinkii : Baxnaan xaaji aden diiriye

                            Sweden


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...