Somaliland Oo Kooma (Coma) La Suuxsan ( Abdi-Shotaly).

0
Friday November 15, 2019 - 11:10:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1780
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Kooma (Coma) La Suuxsan ( Abdi-Shotaly).

    Nin Burco Beri Jooji jirey, baa waxa loogu yeedhi jirey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin Burco Beri Jooji jirey, baa waxa loogu yeedhi jirey

" Is Gawrac" marka dadka la weydiiyo maxaa loogu bixiyey magacaas, baa waxa la odhan jirey waa mid jaan-gawracan, oo isaga baa isku abuura rebshed, oo kolba qoorta la gala mushkilad iyo dhibaato aanu u dhawayn, caga-hiisana ku doonta balaayo, markaas saw isagu is gawrici-maayo, iyadda oo aan meel kale-ba looga iman. waxan uga socdaa, oo aan u soo qaatay, kuwan meesha ka botorinaaya waa labadda askari ee la kala yidhahao " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximan" oo uu iska fuushan yahaye, ee sidda illma yar oo uu dhalay farta ugu yeedho, iska daba raq-raq leh, ee aan shaadh aanu lahayn uu u tolay, dabeed qaadi kari la'. ee la dhac-dhacaaya siddii dameer xamuul lagu raray ka culays badan, inta daba leef ee hantidda ummadda boob-keedda ku heshiiska ah. baa mar-ba marka ka dambeeya, xadhig iskaga sii bakhtii-naaya qoorta, intay iskaga wareeji-yaan luqunta, oo ka talinaaya dhimasha-doodda. Akhristaw Naf go'aysaa oo ay u dhamaatay, galgala-shadda bay moodaa in ay dib ugu soo noolaanayso, waxa hadaba ka dhigan, oo rafadkii ugu dambeeyey ku jira, oo isku rooriyey silsiladdii uu qoorta gashaday, askarigan bilaa maskaxdda ah.

 

    Naf goday iyo roob galbeed, mid-koodna haduu galbado, gadaal uma soo noqdo'e, Somaliland way ku daysay, dibna u soo noqon-mayso, ee candhuuf-tiina dib uga liqa. Waad arkaysaan in ay aakhiro u jeesatay oo ay ku jirto Kooma suuxisay, oo ay dhaq-dhaqaaqii joojisay, Kuna dhimatay bilaa faataxa, oo budh-caddii boobtay ay hadeer is gunaanaday, laakiin waxa nasiib darro ah ma haysatao cid godka ku ridda, oo iilka si wacan u dhigta. Waataa haadka loo wadhay, Waxa la yidhi " Mayd yaa ugu dambeeyey" Iyo kaa la sii sido. Daraad wixii ka dhacay Golaha Dhibay xilkii ummadda ay u hayeen ( Malaha waxad u taqaanaan " Golaha Xildhi-baanadda" ha-yeeshee waa kuwo dhibay mansuuli-yadda ay ummadda u hayaan ee maqaar saarka ah, weliba ku dhoobaystay kuna tuntay, kana door biday dhaameel loo saydhiyo, oo waxoogaa luuluush ah dibnaha loogu qooyo. Ma jiro distoor iyo sharci lagu kala socdaa, laakiin waxay ku shaqeeyaan oo xaal-koodu yahay, Maxaad cuntaan, kanaa ku xiga, reer hebel ku xumee, iyo cad-quudheed loo tuuro. Dantii guud iyo qawaaniinta uu inooga tegay (Ihun) Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, cirkaa lagu laalay, Lacagtii uu inoo sameeyey lama isticmaalo oo ta maraykanka ( Waa doolarka'e) baa lagu shaqaystaa, waayo iyadda bay deg-deg ay ugu ceeshi karaan, Lacagtii Somaliland waxay noqotay xashiish la iska xaadho, waayo tan baa dhakhso loogu dhergayaa. Baasaboorkii Somaliland isna lama isticmaalo, oo askariga Meesha ka buuf-taamaaya baa joojiyey, isaga laf-tiisa baa haysta baasaboorkii Somaliya ( waana Xaqiiq).

 

    Waxa la yidhi reerka illaahay burburi-naayo " Lo'doodda baa dameero dhasha" kuwa uu dhisaayana " Dameera-hoodda baa waylo dhala'e". Kuwan askarta ahi, ifka ka tage aakhirona may gaadhin. Wixii lagu heshiiyey, ee uu caalamku ku dhex galay askarta Xaafad-tooyadda iyo Urur ku sheega Loogu yeedho Ucid ( Hunguriga buu cid u yahaye) iyo Xusbiga Waddani, ee ay ahayd in la kala diro waxan lagu magacaabo Komishanka ee dhuuni raayc-yadda ahaa, waxa dib u soo celiyey ee ay heshiiskii uga baxeen saw maaha " Dan Gaar ah bay ku qabtaan", oo waxay u fuliyaann una boobaan, ansixiyeen sidda labadda askari doonaan. ma is weydiiseen waxay u fulin waayeen,  ee loo keenay ka Riyaha raaci jiray, dib-na loogu soo celiyey Inantii hore uga mid ahayd kuwii la eeday ( Komishan ku sheeggii). waxaas oo dhan waxa loo samaynayaa, aad ku cimri dheeraysa-teen, oo wkahtiga ku rideen muran iyo been, maaweelo iyo wax aan jirin. Waa la og-yahay in ay doona-yaan laba sano oo dheeraad ah iyo boqor-tooyo ay iska salaxdeen oo aan soconayn. Waxan ku soo xidhay, qof kaste oo dar-jiidhaa sidda askartan, oo kolba geed ku xoqdda siddii hal cadho qabta. ugu dambayn,khsab baa wakhtigu ugu tun sheegaa, wuxu yahay-na tusaa, naf baxaysa lama joojin karo'e, u daydaya meel lagu aaso Somaliland, ka dhib markii maamulka Askartu Beerka ku kala gooyeen Faash aanay ka soo kacayn.

 

    * N.B Naf Go'aysiyo Roob Galbeed, Mid-koodna Haduu Galbado, Gadaal uma soo Nodo!

    Qore;- Abdi-shotaly. 

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...