Qaarada Africa Waxa Ay Dhibane U Tahay Wadamadii Reer Yurub Ee Gumaystay !!!
waa qaarada daymaha ugu badan lagu leeyahay , waa qaarada mucaawimada ugu badani ku baxdo ) !!
Dhamaadkii qarnigii 18
naad 1884 ayaa wadamada reer galbeedku ku soo duuleen qaarada Africa oo ay
qaybsadeen , xiligaasi oo ay qaarada Africa ka jireen maamulo kooban oo dawlado
ahaa , laakiin ay dadka africa lahaayeen nidaam dhaqan oo ay isku maamulaan , kuna
noolaayeen noloshoodii rasmiga ahayd ee dabeecada iyo deegaanka Alle ku abuuray
bartay .
Xiligaasi oo Africa
lafteeda ay ka jireen xadaarado iyo dawlado qadiim ahaa oo ka soo jeeday
ilbaxnimooyin iyo xadaarado hore hadana waxa lagu muquuniyey xoog iyo awood si
loo dhalan rogo , waxaana la inoo sameeyey xuduudo iyo maamulo dawlado ah .
Waxa la inoo keenay
waxbarasho , dhaqan iyo nidaam maamul oo aynaan hubsan in uu ku haboon yahay
qaarada aynu ku noolahay , waxaana uu gumaystayaashii Africa ka tageen iyada oo
laba kasta oo dal ay xuduud isku haystaan laba kasta oo qoomiyadood oo meel
kuwada nooli aanay heshiis aheyn , waxaana uu inagaga tagey ardey uu wax baray
oo intooda badani qaadatay hab dhaqankii iyo waxii gumaystuhu baray.
Iyada oo ay xad gudub
inagu ahayd in Africa lagu soo duulo oo inaga oo dad nool ah oo jira la inoo
qaybsado sidii xoolaha , haba la ina qaybsadee la ina sii qayb qaybiyey oo la
isku keen diray , oo uu inaga raray aqoontii ku haboonayd deegaankeena ee
dabeecadu ina bartay oo uu inoo keenay aqoon 90% aan ina anfacayn , halkaasi
waxa inagaga lumay nolol , xoolo , dhaqan , dadnimo iyo wax aynu iskeen u
lahayn.
Waxa hadana soo baxday
in dadkii ay inagaga tageen iyo ficiladii iyo waxii la inoo soo waariday uu
saameyn xun oo baaba ka dhigtay Africa inagu yeeshay , saameyntaasi oo noqotay
gumeysi maskaxeed in lagu sameeyey dadka qaaradan Africa si aanay wax u qabsan
waxaana laga dhigay saylad ganacsi oo waxa dunida kale samayso suuq u ah oo
iyaga uun wax ka iibsata.
Waxa xusid mudan in
madaxdii iyo dadkii aqoonta lahaa ee qaaradan Africa u dhashay ee garanayey
dhibaatada gumeysiga iyo in la rabo in qaaradan laga danaysto in la laayey ,
badhna laga qabsaday dadkoogii oo ay u dhinteen niyad ahaan , taasi oo ah nooc
ka mid ah gumeysiyada noocyada ugu xun.
Raadadkaasi waxa ay
Africa ku reebeen in ay gudaheega is gumaado oo la isku haysto dhibaatooyin aan
dhamaan oo ilaa maanta ay qaarada Africa la ildaran tahay , iyada oo lagu
tirinayo qaarada dhaqaale ahaan ugu qanisan aduunka , hadana ugu gaajada iyo
macaluusha badan .
Qaarada Africa waxa aan
aaminsanahay in lagu beero xanuuno aan aduunka kale ku dhicin oo laga dhigtay
meel aduunku wax ku tijaabiyo , waxaana tusaaleyaal nool u ah xanuunada
Hiv/Aids , Ebola iyo qaar badan oo kale oo Africa dadkeeda madhiyey oo ilaa
maanta lala tacaalayo , marba lagu tijaabinayo daawo la soo saaray.
Qaarada Africa waxa loo
soo raray colaado iyo xasilooni daro aanay Africa dhaqan u lahayn oo ay
ka mid yihiin dagaalada dadka Africa la isku hubeeyo ee qabiil qabiil
iyo ardaa-ardaa la iskula hor fadhiyo si aan halkaa hore loogaga
dhaqaaqin oo dadka Africa waligood madaxa iskula jiraan .
Qaarada Africa iyo
dadkeeda waxa laga baabiiyey noloshii qofka Africanka ahi isku filaa ee
uu cuntadiisa iyo hugiisaba isagu lahaa ee aanu waxba cid kale uga baahnayn ,
waxaana laga dhigay baahaneyaal gacmaha reer galbeedka iyo dunida kale uun kor
u eegaya iyada oo lagu baabiiyey dhaqaale sumaysan oo caawimooyin ah kuwaasi oo
dadkeenii ka dhigay fadhiid.
Qaarada Africa
saameyntii gumeysigu kaga tagey waxa ay gayeysiisay in dadkeedii ka yaacaan oo
ay xoog la rarto iyo maskaxo la shiilo u noqdaan kuwii Africa sidaa u galay oo
ahaa Reer Yurub iyo dawladaha reer galbeedka .
Qaarada Africa waxa la
isku raacsan yahay in ay tahay qaarada ugu khayraadka badan aduunka , hadana
waa qaarada dadkeedu ugu saboolsan yahay aduunka , waa qaarada mucaawimooyinka
ugu badan aduunka kale ku bixiyo iyada oo meel ay ka muuqato hadana aan la arag
deeqaha iyo dhaqaalaha Africa la siiyaa.
Haddaba marka waxii
gumeystayaashu Africa u geysteen iyo saameyntoodii la isku soo ururiyo , ilaa
maanta qaaradii Africa waxa ay tahay qaarada Aduunka ugu liidata aqoon ahaan ,
nolol ahaan , horumar ahaan , maamul iyo siyaasad ahaanba waxaana dhaxal u
noqday oo daashaday dhib dadka Africa ka siman yihiin oo ah ;
1- Maamul Xumo
2- Musuq-Maasuq
3- Shaqo la'aan
4- Xasilooni darro
5- Abaaro iyo macaluul
7- Aqoon yaraan
Arimahani oo sababay in
ay Africa noqotay qaarada ay dadka ugu badani ka haajiraan iyaga oo u socda
qaaradaha kale ee aduunka si ay nolol u raadsadaan.
waxa kale oo iyaduna
jirta in Africa noqotay qaaradaha aduunka dadkoogu aad u kordhayaan iyaga oo
waxan oo duruufo ahi ay jiraan taasina waxa ay sii kordhinaysaa cidhiidhiga
nolosha iyo dhibaatooyinka hadii aan Alle faraj kale u bixin.
Waxa iyaduna wax laga
niyad xumaado ah nidaamka maamulada iyo dawladaha Africa ka jiraa intooda ugu
badani u shaaeeyaan oo sababa dhibaatooyinka aynu kor ku soo xusnay iyo qaar
kale oo badan , oo xataa aan intooda badani ka soo muuqan doonin rejo
mustaqbalka laga qabi karaa marka aad eegto hab dhaqankooda.
Dhibaatooyinkan oo dhan
waxa lagaga bixi kara iyada oo dadka la xoreeyo oo gumeysiga maskaxda ee
sawaaban laga saaro si aynu usii ahaan karno umad African ah oo jirta oo
aduunyada kale la tartanta isla markaana wax cusub oo wanaag iyo horumar leh
aduunyada ku soo kordhisa.
Muhamed Dhimbiil
Mohamed Abdi Jama
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!