Xageebuu Muuse Waddankii, Kuwadaa? W.Q Abdiqani Salaf
Illaa iyo intii uu Muse Biixi dalka qabsaday Somaliland hoos ayay usii socotaa halka
dhigeeda Somalia ay kor xawaare ugu socoto. Marka dib loo
eego heerarkii kala duwanaa ee Jamhuuriyadda Somaliland soo martay waa
markii koowaad ee dowlada Somalia ka badiso jamhuuriyadda Somaliland.
Waa markii koowaad ee Somaliland lagala wareego maamulka hawada
Somaliland ee ay sitoosa laynooga faro maroojigmyo waa markii koowaad ee
ay somaliya ku guulaysato inay Somaliland shiiqdo oo dib ugu noqoto
raadkeedii meeqaamkeediina hoos uga dhacdo. Waa markii koowaad ee
mucaaridka Somaliland iyo xukuumadu intay heshiin kari waayeen caalamku
dhexgalo.
Inkastoo siyaasadda arimaha dibadu hoos usii dhacaysay dhamaan
waqtigii Kulmiye marka loo eego halkii ay maraysay arimaha dibadu
waqtigii #Rayaale xukuumaddii #Udub hadana sida ay maanta tahay xaalada
dalku dhamaan way dhaantay halka uu maanta marinayo muse Somaliland.
Hadalkii qiimaha badnaa ee dardaarankii #Daahir_Rayaale ee ahaa (dal
midaysan iyo dad midaysan ayaan idinku wareejiyay Kulmiyow) waad ogtahay
Somaliland halkay maanta marayso.
Waa markii u horaysay ee gudaha Somaliland ay ka dilaacaan jabhado
afar gaadhaya oo hubaysan intii kadanbaysay dagaalkii sokeeye ee uu
sababta u ahaa #Muuse_Biixi waqtigii uu wasiirka gudaha ahaa. Waa markii
koowaad ee dadka reer Somaliland ka baqayaan in dagaal sokeeye qarxo
kadib laba sabo oo cadaalad daro, dulmi, qaraabo kiish, musuq baahsan,
cabudhin, iyo xadhiga saxafiyiinta, boobka dhulka iyo hantida danyarta
maamul xumo, kalidii talisnimo iyo dhagaysi la'aan iyo tudhaale la'aan,
ka muuqata madaxweynaha.
Madaxweyne ciilqaba ah oo aarsanaya oo doonaya markasta in isaga loo
tanaasulo ayaa dalkii halkaas gaadhsiiyay laba sano oo kaliya dadka ku
xeel dheer falaqaynta arimaha geeska ayaa sheegaya inuu noqon doono
#Muse_Biixi madaxweynihii ugu danbeeyay somaliland mida imikana wuxu
caadaystay jabinta shuruucdii dadalka uyaal.
hada waxa ugu danbeeyay komishankii oo si sharci daro ah uu kusoo
doortay xisbiyahan hadana iyagoo lix ah oo dastuurku sheegay in todoba
la horkeeni karo golaha halka uu isagu lix horgeeyay sibadheedha isagoo
ku jeesjeesaya shacabka qaranka jecel hadaba Somaliland halkay usocoto
waynu aragnaaye maxaan ku badbaadin karnaa?
Allah Mahadleh
Abdiqani Salaf.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...