Miyir qab aan isku waraysano!W/Q Muqtar Qofal Badhabadhe

0
Tuesday November 12, 2019 - 13:32:01 in Articles by
  • Visits: 1515
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Miyir qab aan isku waraysano!W/Q Muqtar Qofal Badhabadhe

    Miyir qab aan isku waraysano!W/Q Muqtar Qofal Badhabadhe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Miyir qab aan isku waraysano!W/Q Muqtar Qofal Badhabadhe


Miyir qab aan isku waraysano!
.......................................................

Taariikhdu waa 2009-kii Waxaana xukunka Somaliland hayay Madaxwayne Riyaale oo Watay Xisbigii Udub, Xisbiyada Mucaaradkuna waxay kala ahaayeen
Ucid oo uu hogaaminayay Faysal Cali Waraabe iyo


Kulmiye oo uu hogaaminayay Axmed Maxamed Siilaanyo.

Image may contain: 2 people, people sitting and indoor

Waxa dhacay khilaafkii ugu waynaa ee ku aadanaa xulista komishankii qaban lahaa doorashooyinkii dhacay 2010-kii waxaana khilaafku abuurmay markii Xisbiga Kulmiye oo uu Siilaanyo Gudoomiye ka ahaa uu kala baxay Xubintii u matalaysay Komishanka Cusub sidoo kalana ahaa Gudoomiye ku xigeenka Komishanka xubintaas oo ahaa Xirsi Xaaji Cali Xasan,


Waxa abuurmay khilaaf xoogan maadama komishanka isla muddadaa uun la sameeyay, Waxaana uu ka dhexeeyay khilaafku xukuumadii Udub iyo Xisbigii Mucaaridka ahaa ee Kulmiye.


Khilaafka ayaa salka ku hayay in komishankan cusub aanuu ku qanacsanayn Kulmiye sidoo kalana ogolayn inay doorasho u qabtaan oo ay kalana baxeen xubintoodii,


Muddo ayaa khilaafkaasi taagna oo komishankii cusbaana shaqadiisi u joogsatay,

Maxaa lagu dhameeyay khilaafkaa?


Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin oo talada dalka hayay ayaa qaatay Go'aan adag oo ka turjumaya Danta Qaranka Iyo Doorashooyinka Somaliland oo mar kasta furre u ahaa Aqoonsi raadinta,


Markii ay noqotay in Madaxwaynuhu uu Go'aankiisa ku adkaystaa ay keenayso maqaamkii ay somaliland ku lahayd Bulshada caalamka iyo Doonista qadiyada Ictiraaf raadintu inaanay ahayn wax la yaraysan karo wuxuu qaatay Go'aan ah.


In uu u yeedhay labadii Gudoomiye ee Xisbiyada Ucid Iyo Kulmiye waa Faysal Iyo Siilaanyo e kalana hadlay dhamaynta khilaafka waxaana uu u yeelay isla sidi ay rabeen gaar ahaan Gudoomiye Siilaanyo Oo wakhtigaa Mucaarid ahaa ayuu ka ogolaaday inuu tiisa qaato maadama oo danta qaranka masuulka koowaad uu ka yahay Madaxwaynuhu.


Waxa kale oo xusid mudan may jirin faragalin iyo isu soo dhawayn ay beesha caalamku ku lahayd heshiiskaas balse waxa taariikhda ku galay oo tanaasulkaas sameeyay Madaxwayne Riyaale waxaana si dhakhsaa lagu soo dhisay komishankii qabtay Doorashadii dhacday 26 June 2010 oo isla Madaxwayne Riyaale lagaga Guulaystay kuna qancay Natiijadii kasoo baxday,


Maantana toban sanno kadib Xukuumada Kulmiye waxay tahli kari la'adahay inay soo dhisto komishan kala saara Dhawr kun oo musharax (Doorashooyinka Barlamanka Iyo Deegaanada)


Waxa xusid mudan Kulmiye


Ma waxa uu lahaa dan gaara?


Ma waxa uu diidanaa in dalka doorasho ka dhacdo ?


Mise waxa uu doonayay Komishan dhex ah oo kalsooni uu ku qabo?


Maanta waxa laga joogaa taariikhaa sare ku xusan 2009) muddo toban sanno ah (2019) xilka waxa haya Xisbigii Kulmiye ee wakhtigaa loo tanaasulay, waxa taala isla khilaafkii oo ah Komishankii oo aan xisbiyada Mucaaradku ku kalsoonayn


Maxaa La gudboonaa Madaxwayne Muse Bihi Abdi?


Maxaa hadda la gudboon madaxwaynaha?


Maxaa dan u ah Qaranka Somaliland ?


Waxaan Su'aalaha u dhaafayaa dhankiisa waxaanan rajaynayaa inaad ka bixisaan jawaabo maan gal ah!


Muqtar Qofal Badhabadhe

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...