Maxaa Usababa In Magaalo Xeebedaka Berbera Ay Noqoto Wakhtigan Mid La Majeerto
kasoo baxaya bulshaweynta somaliland kuwaas oo ay xitaa golayaasha degaanka ee dalku ay hadalo badan oo delqaafku ku ah golaha degaanka ee berbera iyo bulshadeedaba ay hawada usomariyeen mudooyin badan, taas oo uu dhacaysa maxay berberi sidan u noqotay oo mararka qaar u muqata qaab hinaase ah iyagoo uga hadlaya,
Waxaa
hadaba aniga igu kalifay inaan maqaalkan soo bandhigo in bulshada iyo cidii
kale ee si khaldan wax u fahansanba aan uyara iftiimayo siday berberi ku
noqotay Berberadaa la majiiranayo maanta mudooyin badana lagu tilmaami jiray
inay ka hadhay huruumarkii dalka ka socday iyado weliba ahayd halka uu kaso
baxo dhaqalaha dalka lagu maamulaa.
Bal
intaynaan guda gelin maqaalkan dulucdiisa aan dib ugu yara noqono tariikhda
golaha degaanka degmada berbera, golaha degaanka berbera ee wakhtigan oo ah
golihii degaan ee 2aad ee ay berberi yelato waxaa la doortay oo ay qayb ka
ahayeen dorashadii golaha degaanada ee dalka ee qabsoontay 28 November 2011kii
taas oo ay magalada berberi xaq u heshay 21 xildhibaan, oo allaa yarxamu sedex
xubnood oo geriyooday moyee intii kaleba ay joogto maanta, mudo ka dibna waxaa
bilaabmay loolan adag oo ay iskaga dhexdoranayen gudoomiyihii golaha hogaamin
lahaa, aniga oo aan halkaa hoos ugu sii daadegayn mudo yar ka dib waxaa
gudoomiye lo dortay xildh.Cabdishakuur Maxamud Xasan(cidin) kaas oo ahaa
xubintii ugu codka badnayd degmada berbera kana soo baxay Xisbiga Ucid kaas oo
bulsho badani ay kaga dareen celiyeen marka loo eego Xisbigii uu kasoo baxay oo
ahaa xisbi mucaarada in aanu wax badan kusoo kordhinayn bulshada kursigana aanu
ku ragayn.
26kii
December 2011 ayaa uu xilka kala wareegay gudoomiyihii hore Gudomiye cabdalle
maxamed carab oo isna ka mid noqday xubnaha dib ugu soo noqday golaha degaanka
ee soo baxay xaflad si heersare ah loo soo agaasimay.
Inataa
ka dib maxaa dhacay? Maxaa kuso kordhay magaaladi? Sadashii dadku ma rumawday?
Bal akhriste inyar ila soco si aynu uga jawaabno sualahan iyo qaarkaloo badan,
Waxaa
dhacay in wax kasta oo la sadalinayey ay noqon wayeen sidii loo sadalinayey
Berberina ay dhaxal u heshay gole degaan oo kasoo baxay 23 degmo dorasho ee
dalka golihii ugu wanaagsanaa kaas oo an odhan karo waxa uu (role model) u
noqon kara iyo in in uu noqdo gole lagu Hal qabsado golayaasha danbe ee iman
dona iyo kuwa hada jiraba sida imikaba ka dhacda fagaraysha ay isugu yimadaan
golayaasha degaanada ee dalku,
Waxaa
iyana intaa dheeratay in mayerkii ama gudoomiyihii ay dorteen wakhtigaa iyo
kuxigeenkiisiba ay noqdaan qaar la yimadaa aragti cusub taas oo la odhan karo
waxay ka faidaysteen iyagoo mudo badan oo hore ahaa adegayaal bulsho iyo
golihii degaanka oo iyana aan ku samaynin wax mashquulin ah ee hawshii
dhinacoda la qabtay............. lasoco qaybta danbe
Edle Mohamed
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!