Dawladda Hoose ee Hargeysa: Shalay Riyaha, Maanta Tagaasida.

0
Monday November 11, 2019 - 17:42:38 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1511
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Hoose ee Hargeysa: Shalay Riyaha, Maanta Tagaasida.

    Beryo dhawayd waxa ay DHH weerar ku qaadday riyaha caasimadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beryo dhawayd waxa ay DHH weerar ku qaadday riyaha caasimadda.

 Neef kasta oo la qabto waxa lagu soo deyn jiray lacag dhan 100,000 shilinka Somaliland ah ama $12. Cashuur, baad, madax-furasho iyo ganaax waa midkee lacagtaasi?.

 

Markii beryo la waday ayaa la iska daayay. Qoysaska qaar ayaa riyaha u samaystay xero/deyr aanay ka bixin maalinta iyaga oo ka dhuumanaya gaadiidka dawladda hoose ee Hargeysa.

 

Dawladda hoose ee Hargeysa waxa ay saaka xarunteeda u taxaabteen gaadiidka tagaasida ee VITS. Lagama rabin lacagta cashuur-marista, cashuurta liisanka, kala-wareejinta iyo wax kale toona.

 

Waxa lacag laga qaadayaa tagaasi aan loo samayn diiwaan-gelin, istaan, iskaashato, urur iyo qaab midna.. Sannadkii 2017ka ayaa sidaas oo kale mar lacago looga qaaday tagaasida, mana noqon wax sii socda. Sidii carruurtu baqayaha uga baqi jirtay ayay tagaasidi u dhuumanayaan... Ma aha in wadayaasha la qafaasho iyaga oo aan waxba loo sheegin, waa in shacbiga lagu qanciyo nooca lacagta, xilliga bixinta iyo sababta looga doonayo.

 

Miyaa lacag laga qaadi karaa qof aan adeeg loo qabannin?

 

 

W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...