Waxqabadka Badhasaabka Gobalka Sool Oo Ah Mid Aan Weligeed Gudoon Kale Qaban.

0
Monday November 11, 2019 - 17:32:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1383
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxqabadka Badhasaabka Gobalka Sool Oo Ah Mid Aan Weligeed Gudoon Kale Qaban.

    ( Leadership is having a compelling vision, a comprehensive plan, relentless implementation, and talented people working together.)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

( Leadership is having a compelling vision, a comprehensive plan, relentless implementation, and talented people working together.)


aduunka waxa ugu qiimo badan kasbashada bulsho ama dad waayo saanu ognahay waxsoosaar kasta waxa ugu muhiimsan in la dhiso dadka ( human capital), masuulkan ayaa caan ku noqday horumar iyo shaqo badnaan, waana mid awood u leh shaqada loo igmaday, waana ruux aan marnaba ka caajisayn hawlaha uu dadka u hayo.

 

Cid kale maaha qofka aan ka hadlayo waa badhasaabka gobalka sool mudane ABDIQANI MAXAMUD JIIDHE, kaas oo mudadii uu joogay booskaas kasoo midh baxay sida cadceeda dhamaan badhasaabada gobalada somaliland.

 

(Leadership is about vision and responsibility, not power.) 

 

Hogaamintu waa aragti fog iyo masuuliyad laakiin maaha awood.

 

Masuulkan ayaa horey uga soo shaqeeyay shaqooyin la xidhiidha arimaha daryeelka bulshada (social welfare), sido kalena qayb weyn ka ahaa ururka dhalinyarada soomaliland ee Sonyo, wuxuna ahaa madaxa hay'ada maxaliga ah ee LYVO , wuxuu kaloo soo qaybtay agaasimaha baratakoolka ama habmaamuuska madaxtooyada soomaliland, mana aha shakhsi kusoo booday xilqabashada.

 

Waxyaabaha lagu xasuusan doona uguna culus ayaa ah in uu si caaqilnimo ah uga qaybqaatay deminta colaadii koonfurta mudada badan ka jirtay taas oo ay dhamaan ku fashilmeen maamuladii ka horeeyay.

 

Sido kale waxa uu dardargeliyay shaqooyinkii dawlada ee ka jirtay gobalkan , waxa uuna dabagal iyo kormeer ku sameeyay dhamaan isuduwayaasha wasaaradaha u qaabilsan gobalkan.

 

Waxa uu ka qaybqaatay shaqo gelinta dhalinyarada gobalkan inakoo og xaalada shaqo la'aantu ( unemployement) saamaynta ay ku leedahay dhaqaalaha ama dakhliga dadka , waxaana shaqo gelin lagu sameeyay dhalinyaro aad u tiro badan kuwaas oo hada ka hawlgala xafiisyada kala duwan ee dawlada.

 

Sido kale waxa uu gacan bir ah ku qabtay nabadgelyada dadka , sido kalena sugay amaanka gobalka guud ahaantiisba, ciidankuna hadh iyo habeenba ay wareegayaan laamiyada iyo xaafadaha gobalka.

 

Wuxuu joojiyay mukhadaraadka khamriga , wuxuuna ka hor tegay ganacsigiisa iyo cabistiisa, ciidankana wuxu ku amray inay joojiyaan maandooriyahaas.

 

Wuxu gobalka u horseeday inay ka shaqeeyaan haayadaha caalamiga ah ,taas ok hada ka hor aysan jirin ama yaraadeen, hadeerna waxay ka hawlgalaan dhaman degmoyinka gobalka.

 

Sido kale wuxuu ka qayb qaatay dhisida dhalinyarada iyo wacyigelintooda, wuxuna door weyn ka qaatay koobkii dhawaan kusoo idlaaday degmada lascanod.

 

Sido kale wuxuu fuliyay oo door weyn kulahaa mashruucii townplaneka kaas oo badhasaabyo hore ku fashilmeen in ay fuliyaan.

 

Wuxu ka qayb qaatay xalinta khilaafyo badan oo gobalka ka dhacay , kuwaas oo uu wanaag iyo nabad kusoo dabaalay.

 

Qore: sharmaake Faarax Diiriye

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...