Madaxweyne Muuse Biixi Waxaan u soo jeeddinayaa.....W/Q:-Maxamed Yuusuf Cabdi

0
Thursday November 07, 2019 - 22:41:13 in Articles by A. Asbaro
  • Visits: 1958
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi Waxaan u soo jeeddinayaa.....W/Q:-Maxamed Yuusuf Cabdi

    1- Heer-Qaran, waxa kale oo loo yaqaan ( Gudiga Amniga Heer-Qaran ) oo Madaxwaynuhu Gudoomiyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1- Heer-Qaran, waxa kale oo loo yaqaan ( Gudiga Amniga Heer-Qaran ) oo Madaxwaynuhu Gudoomiyo
Hadaad Dooda Saami-Qaybsiga ka maqan inta badan aad ka maqli jirtay Beelaha darafyada, ogow maanta Beel ka mida Beelaha dhexe ayaa si toosa khadka uga baxday marka laga fiiriyo Matalaadii Awooda Maamul ee ay Talada dalka ku lahaayeen marka laga bilaabo Heer-Qaran, Heer-Gobol, ilaa Heer-Deegaan.

1- Heer-Qaran, waxa kale oo loo yaqaan ( Gudiga Amniga Heer-Qaran ) oo Madaxwaynuhu Gudoomiyo, waana Gudida ka masuulka ah Amniga Guud ee Qaranka dhamaan Beeluhuna ay ku leeyihiin ( Xubin ) ku timaada Magacaabis Xil Qaran. Sidoo kalena waxay u taagan tahay Kalsoonida Iyo Is-Aaminka Shacabka ku nool Dalka dhamaan si aan Beel gaara loogu tashan.


Beeshan waxa Gudidan u matalayay AHN Sareeye-Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan Talihii Guud ee Ciidamada Bilayska ee dhawaan geeriyooday, bedelkiisiina aan Beeshu helin taas oo aanay maanta jirin Xubin ku matasha Beeshan oo ku jirta Gudida Amniga Heer-Qaran.
2-Heer-Gobol, Gobolka Maroodi-jeex oo ay Beeshu Degto kuma laha, Badhasaab, Badhasaab ku Xigeen iyo Xog-Haye midna.
3-Heer-Degmo, Degmada Hargaysa oo ay Beeshu ka mid tahay Saddexda Beelood ee ugu badan ee dega kuma laha, Maayar, Maayar ku Xigeen iyo Hog-Haye midna.

Mushkiladaha Beeshan Sanadahan danbe haystay ee maalinba maalinta xigta sii kordhayay maan wada tilmaamin ee inyar oo kooban ayaan ka soo qaatay waana waajib i saaran in aan ka hadlo wixii aan Xaqa Dastuuriga u lahaa oo iga maqan, waxaanan aaminsanahay in Qofka wuxuu Xaqqa u lahaa ka hadli kari waaya in aanu Xaq cid kale ka maqan ka hadli karin.

Waxaan talo ahaan u soo jeedinayaa Madaxwayne Muuse Biixi inuu guud ahaan ilaaliyo Jiritaanka Haybada Dawladnimo iyo wax qaybsiga Mansab iyo Manfac ba leh ee dhamaan Beelaha ku wada nool J/S/Land.

Allah mahad leh
By, Maxamed Yuusuf Cabdi

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...