Djibouti Oo Ku Eedaysay Somaliland Inaanay Iskaashi Kala Samayn Baadhista Kiiska Qaraxii Djibouti Ee 2014

0
Wednesday November 06, 2019 - 10:35:10 in News by
  • Visits: 2204
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Djibouti Oo Ku Eedaysay Somaliland Inaanay Iskaashi Kala Samayn Baadhista Kiiska Qaraxii Djibouti Ee 2014

    Djibouti Oo Ku Eedaysay Somaliland Inaanay Iskaashi Kala Samayn Baadhista Kiiska Qaraxii Djibouti Ee 2014

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Djibouti Oo Ku Eedaysay Somaliland Inaanay Iskaashi Kala Samayn Baadhista Kiiska Qaraxii Djibouti Ee 2014


Hargeysa(HWN):-Dawladda Djibouti ayaa ku eedaysay dawladda Somaliland inay ka gaabisay inay wada shaqayn kala samayso baadhista kiiska qaraxii Djibouti ka dhacay sannadkii 2014.




Warbixin ay soo saartay dawladda Maraykanka oo lagaga hadlay la dagaalanka argagixisada, waxa lagu sheegay in la soo gebagebeeyay iskaashi caalami ah oo hordhac ah oo la xidhiidha baadhista qaraxaas Djibouti ka dhacay sannadkii 2014, waxaana sida warbixintan ka muuqata ay masuuliyiinta Djibouti sheegeen inaanu garoorka Somaliland la samaynin iskaashi buuxa, iskaashi la’aantaas oo ay sheegeen inay dib u riday baadhista kiiskaas, "Waxa la soo gebo-gabeeyey sanadkii 2018 iskaashi caalami ah oo hordhac ah oo ku saabsan kiiska qaraxii 2014 ka dhacay [maqaaxida] "La Chaumiere.” Ayay tidhi warbixinta Maraykanku soo saaray, waxaanay intaas raacisay " Dawladda Jibuuti waxa u qorshaysnayd inay bilaawdo dacwadda ciqaabta ah 2019. Sida ay sheegeen saraakiil dawladda [Djibuuti] ka tirsan, , iskaashi la’aanta garsoorka deriskeeda Somaliland ayaa ka qayb qaatay dib u dhaca baadhista.” Sidaas ayay tidhi warbixinta Maraykanku.


Warbixintan ayaa lagu daabacay bogga wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka 1 November, 2019, lagumana darin aragtida iyo jawaab celinta dhinaca dawladda Somaliland ee eedaha loo jeediyay.

 




xigasho:-Wargeyska Geeska Afrika
Loading...
Loading...