Dhalinyaro Hogaaminta Loo Tababaray Oo Qasriga Muuse Biixi Lagu Qaabilay+Sawiro

0
Sunday November 03, 2019 - 15:08:31 in News by
  • Visits: 3352
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhalinyaro Hogaaminta Loo Tababaray Oo Qasriga Muuse Biixi Lagu Qaabilay+Sawiro

    Dhalinyaro Hogaaminta Loo Tababaray Oo Qasriga Muuse Biixi Lagu Qaabilay+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhalinyaro Hogaaminta Loo Tababaray Oo Qasriga Muuse Biixi Lagu Qaabilay+Sawiro




Hargeysa(HWN):-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay wehelinayeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda Maxamed Cali Bile, Afhayeenka Madaxweynaha Maxamuud Warsame Jaamac, wasiirka macdanta iyo tamarta Jaamac Maxamuud Cigaal iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiqaadir Sh. Maxamuud Muxumed (Dhegaweye) ayaa shalay Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Koob iyo Labaatan (21) dhalinyaro ah kuwaasi Xarunta CPA u Carbisay Hoggaaminta (Leadership) islamarkaana ka kala socday guud ahaanba Gobolada dalka Somaliland.

Image may contain: 1 person, standing and wedding

Image may contain: 3 people
Image may contain: 1 person, sitting, table and indoor
Image may contain: 5 people, people sitting, table and indoor

Dhalinyaradani oo ah dufcadii labaad oo muddo sannad ah lagu tababarayo Hoggaaminta kana koobnaa 21 xubnood oo ka socday Gobolada, ayaa markii uu qaabilay Madaxweyne ku xigeenku waxay ka dareen celiyeen soo dhaweynta iyo qaabilaada loogu sameeyey qasriga Madaxtooyada, waxaana ay xuseen yoolkooda ku aadan hoggaaminta iyo doorka barashada ee la xidhiidha qeybaha kala duwan ee Dawladnimada, iyagoo 21-ka xubnood ku tababaran doona waaxaha fulinta, garsoorka iyo sharci-dejinta.

Image may contain: one or more people, people sitting, eyeglasses and beard
Image may contain: 1 person, sitting and indoor
Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoor




Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo gebagebadii halkaasi ka hadlay ayaa yidhi " aad iyo aad baan runtii idiin soo dhaweynayaa dhalinyarta iyo xarunta tababarka siyaasada ee runtii u xamaan qaadatay inay jihayso ama toosiso, tababarto dhalinta Somaliland iyadoo isaga keenaysa gobolada kala duwan aad iyo aad baanu CPA ugu mahad naqaynaa idinkana ka arday ahaan iyo ka macalin ahaanba aad iyo aad baan idiin soo dhaweynaynaa”


Madaxweyne ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay muhiim tahay in dhismaha Xarumaha ay ka horayso in dadka la dhiso oo la tababaro si loo helo hoggaamin suuban waxaana uu yidhi Madaxweyne ku xigeenka oo hadalkiisa sii watay "hay’ad kasta oo la dhisayaba waxa ka horeeysa in qofka la dhiso intaan hawshaa loo dhiibin horta loo tababaro hawsha”.



Loading...
Loading...