Xeer Ilaalinta Puntland Oo War Ka Soo Saartay Dacwad Dawladu Ka Gudbisay Xildhibaan Baarlamaanka Ka Mid Ah
Xeer Ilaalinta guud ee maamul goboleedka Puntland ayaa sheegtay in ay la laabatay dacwaddii ka dhanka ahayd xildhibaan Cawil Xasan Daad oo ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka Puntland.
Qoraal ka soo baxay Xeer Ilaalinta Puntland oo loo dirtay guddoonka baarlamaanka Puntland, ayaa lagu cadeeyay ka laabashada dacwadii ay ku soogtay xildhibaan Cawil Xasan Daad oo 26-kii bishii hore su’aallo uu ka xumaaday weydiiyay Madaxweyne Deni, xilli uu furmayay kalfadhiga 45aad ee baarlamaanka maamulka Puntland.
Xeer ilaalintu waxay ku sheegeen qoraalkooda in uu jiro heshiis dhexmaray baarlamaanka iyo Xukuumadda, kaas oo ku saabsan hanaanka ay xeer ilaalintu ula laabanayso codsigii xasanad ka qaadidda Xildhibaanka iyo eedeyntii Xildhibaan Daad.
Warkaan ayaa yimid ka dib markii qaar ka tirsan baarlamaanka Puntland ay ka codsadeen Madaxweyne Dani in uu cafiyo xildhibaanka Cawil oo ay uga wadeen dhambaal raali galin ah.