Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Oo Ka Hadlay Geerida Taliye Fadal, Dhambaal Tacsi Ahna Diray

0
Saturday November 02, 2019 - 12:29:34 in News by
  • Visits: 2617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Oo Ka Hadlay Geerida Taliye Fadal, Dhambaal Tacsi Ahna Diray

    Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Oo Ka Hadlay Geerida Taliye Fadal, Dhambaal Tacsi Ahna Diray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Oo Ka Hadlay Geerida Taliye Fadal, Dhambaal Tacsi Ahna Diray



Hargeysa(HWN):-Suldaanka Guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi ayaa ka hadlay geerida alle haw naxariistee taliyihii ciidamda booliska somaliland Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo Hargeysa ku geeriyooday.

Image result for suldaan xasan suldaan cabdilaahi


Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi waxa uu dhambaal tacsi ah gaadhsiiyey ciidanka Booliska Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sareeye gaas MarxuumCabdilaahi Fadal Iimaan taliyihii ciidamada booliska.


Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi waxa uu ku tilmaamay marxuun Cabdilaahi Fadal Iimaan taliyihii ciidamada booliska halyey hawlkar ahaa oo u hagar-baxay shaqadii uu qaranka u hayey, hadh iyo habeenna heegan adag ugu jiray adkaynta amniga, wuxuuna ku suntanaa ka qayb-qaadashadii aas-aaska ciidanka booliska Somaliland, isagoo shaqada qaranka ka soo bilaabay meel hoose isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay ciidanka booliska kana gaadhay derejada sareeye gaas.


Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

Loading...
Loading...