Gudoomiyaha Baanka Cali Baqdaadi Oo Kulan Hoose La Qaatay Dhalinyarada Beeshiisa Ba-dhulbahante Iyo Qaylo Dhaan Uu U Dirsaday
Hargaysa (HWN):-Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac (Cali Baqdaadi), ayaa toddobaadkan aynu ka soo gudubnay Shir doceed la qaatay dhalinyarro ka soo jeedda beesha Ba-dhulbahante, waxaannu dhalinyaraddaasi ay isku reerka yihiin u gudbiyay qaylo-dhaan iyo farriimo been abuur ah, balse ujeedkooddu ahaa inuu dhalinyaraddaas ku hanto kalsooniddooda.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Warbaahinta Hadhwanaagnews u sheegay waxyaabihii uu guddoomiye Cali Baqdaadi kala hadlay dhalinyaradda ay isku beesha yihiin ee ba-dhulbahante, waxaannu u soo qaddimay inay marka ugu horraysa ku taageeraan Horumarka uu ka sameeyay degmada Oodweyne ee gobolka daadmadheedh, isla markaanna beel ahaan ay tahay meesha kaliya ee ay leeyihiin.
Guddoomiye Baqdaadi waxa uu dhalinyaraddii beeshiisa ku war-geliyay innuu dhisaayo Hotel wayn, isla markaanna lagu taageero horumarka shaqsiyaddeed ee uu gacanta ku hayo, waxaannu ugu baaqay dhalinyaradda Ba-dhulbahante innuu leeyahay caddow badan, waxaannu ku tilmaamay Cadowgaas Siyaasiga Cismaan Cumar Dool, Qoraaga Cabdiraxmaan Shootali, Suxufiga Liibaan al caddaala iyo Warbaahinta Hadhwanaagnews, isagoo ka dalbaday inay si wayn uga difaacaan shaqsiyaadkaas iyo Hadhwanaagnews-ba.
Sidoo kale, Guddoomiye Cali Baqdaadi waxa uu dhalinyaraddaas beeshiisa u sheegay inay si buuxda u taageeraan Xisbiga talada haya ee KULMIYE, isla markaanna waxa uu tilmaamay inaanay wax-ba hayn Xisbiyadda mucaaridka oo aannay taageerin., gaar ahaana waxa uu kula dardaarmay inay ka dheeraadaan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.
Haddaba, markii uu hadalku ka soo dhammaaday Guddoomiye Cali Baqdaadi ayaa waxa su’aal waydiiyay Wiil yar oo ka mid ahaa dhalinyaradii uu kulanka la qaatay, waxaannu su’aalay sababta uu taageeradda uga dalbanaayo iyo dagaalka uu baraha bulshadda kaga waddo Warbaahinta Hadhwanaagnews sababta ku kelifaysa, hase yeeshee Baqdaadi isagoon su’aashii ka jawaabin ayuu qaylo ku dhuftay, isla markaanna ku hanjabay in shirka laga saarro haddii kale uu talaabo ka qaaddi doonno.
Hadhwanaagnews,Office
Hargaysa/Office