Nin Booliiska Bisad Ku Weeraray Oo Shan Sano Lagu Xukumay

0
Friday November 01, 2019 - 08:49:09 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1585
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Booliiska Bisad Ku Weeraray Oo Shan Sano Lagu Xukumay

    Nin ku nool magaalada Moscow ayaa shan sano oo xabsi ah lagu xukumay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin ku nool magaalada Moscow ayaa shan sano oo xabsi ah lagu xukumay,

kaddib markii sida la sheegay uu bisad hub ahaan ugu weeraray sarkaal booliis ah, sida ay tebisay warbaahinta Ruushka.



Ninka laga shakisna yahay, oo lagu magacaabo Gennady Shcherbakov, ayaa la sheegay inuu bisadda ku tuuray sarkaalka xilli ay ku sugnaayeen dhismo ay dad deggan yihiin.


Sarkaalka, oo isku dayayay inuu wax ka qabto cabasho ku saabsan sawaxan oo ay dadka dhismaha ku nool soo gudbiyeen, ayaa "si aad ah looga xagtay" wejiga.


Mr Shcherbakov, oo 59 jir ah, ayaa wajahaya eedyemo la xiriira rabshado ka dhan ah booliiska.

Kiiskan ayaa shalay la furay, iyadoo dhacdadana ay ahayd sanad kahor.


Maxaa dhacay?

4-tii October 2018, Mr Shcherbakov ayaa ku fadhiyay jaranjarada dhismo la deggan yahay oo ku yaalla caasimadda Ruushka ee Moscow.


Waxaa la sheegay inuu khamro badan cabay.


Dadka degaanka ayaa arrintaasi ku wargeliyay booliiska, balse sarkaal booliis ayaa dhismaha gudaha usoo galay, Mr Shcherbakov ayaa diiday inuu la shaqeeyo sarkaalka oo uu ka jawaabo su`aalaha la weydiiyay.


Mr Shcherbakov ayaa kaddib lagu eedeeyay inuu soo qabtay bisad agtiisa joogtay kaddibna uu ku tuuray sarkaalka.


Bisadda ayaa laga furfuri waayay sarkaalka, iyadoo wejiga si xun uga xagatay.


Mr Shcherbakov, oo aan dhismaha degganeyn, ayaa inkiray inuu bisadda hub ahaan u adeegsaday wuxuuna sheegay inay iskeed ugu boodday sarkaalka.


BBC

Loading...
Loading...