Maxaa Qariyey Madaxweyne Ku Xigeenkii Somaliland?Warbixin
Hargeysa(HWN):-Madaxweyne ku xigeenka somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa u muuqda inuu ka baxay saaxadii siyaasadii somaliland.
Madaxweyne ku xigeen Saylici oo noqonaya masuulkii ugu mudada dheeraa ee ku fadhiya kursigan ayaa wakhtiyadii ugu dambeeyey si hoose uga baxay saaxada siyaasada dalka iyada oo ay jiraan cadaadisyo xukuumadu ka wajahayso deegaankiisa isla markaana ay soo ifbaxayaan qorshayaal lagaga soo horjeedo madaxweyne Muuse Biixi.
Madaxweyne ku xigeen Cabdiraxman Saylici oo saamayntiisu ay yaraatay ayaan ilaa hada aan qaadan doorkii looga baahnaa ee xal u helida khilaafyada baahsan ee ka taagan Saylac Iyo Lughaya oo ay isku hayaan beeshiisa iyo beel kale oo ay halkaasi wada dagan yihiin.
Hoos u dhaca ku yimid Saamaynta siyaasadee ee Cabdiraxmaan Saylici oo ayaa tunka loo saarayaa inuu keenay Madaxweyne Muuse Biixi oo awoodii madaxtooyada kaligii isku ururiyey isla markaana aan wax wada tashi ah la samayn ku xigeenkiisa, taas badalkeedana uu booskii Saylici gashaday wasiirkiisa arimaha gudaha oo isagana fashilaad culusi dul taagan tahay.
Inkasta oo wasiirka arimaha gudaha somaliland Maxamed Kaahin Axmed uu ganafka ku dhuftay inuu xil raysal wasaare la mid ah u hayo madaxweyne Muuse Biixi hadana waxa muuqata inuu booska ka cidhiidhsaday madaxweyne ku xigeenka shiikhay ee Cabdiraxmaan Saylici.
Si kastaba ha ahaatee somaliland ayaa ka dhursugaysa talaabada uu qaadi doono madaxweyne ku xigeenka somaliland inay noqoto mid uu dalka kaga badbaadinayo madaxweyne Muuse Biixi oo u muuqda inuu ku fashilmay hogaaminta dalka.
Sidoo kale madaxweyne ku xigeen Saylici ayaa looga fadhiyaa inuu la soo noqdo booskiisii siyaasadeed ee uu dalka kaga jiray iyo saamaynta uu ku lahaa hagida dalka isla markaana uu ka jawaabo dhawaaqyada dhiilada leh ee lagaga cabanayo madaxweynaha somaliland.