Dawlada Soomaaliya Oo Shaacisay Lacag Ay Ugu Deeqday Dadka Ay Fatahaadaha Wabiyadu Saameeyeen

0
Thursday October 31, 2019 - 08:20:14 in News by
  • Visits: 1346
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo Shaacisay Lacag Ay Ugu Deeqday Dadka Ay Fatahaadaha Wabiyadu Saameeyeen

    Dawlada Soomaaliya Oo Shaacisay Lacag Ay Ugu Deeqday Dadka Ay Fatahaadaha Wabiyadu Saameeyeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo Shaacisay Lacag Ay Ugu Deeqday Dadka Ay Fatahaadaha Wabiyadu Saameeyeen


Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday Gargaar lacageed oo ay uga qeybqaadaneyso gurmadka loo fidinayo dadka ay saameynta ku yeesheen daadadka ka dhashay Fatahaadda uu sameeyay Wabiga Shabeelle.

 

 


Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeya ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu ay dadka walaalahood ah ugu deeqday Lacag dhan 500,000 (shan boqol oo kun oo dollar) taasi oo loogu talagalay in wax loogu qabto dadka ay fatahaaduhu saameeyeen.
Image result for maareeye

 

 

Wasiir Maareeye ayaa tibaaxay in Madaxweynaha, Gudoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka sare iyo Ra’iisul Wasaaaha dalka ay mushaarkooda bisha October ugu deeqeen dadka Soomaaliyeed ee ay fataaduhu saameeyeen.


Dowladda Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay in ay ka gaabisan wax u qabashada dadka ku barakacay fatahaada ku dhufatay qeybo ka mid ah dalka, gaar ahaan magaalada Beledweyne oo Boqolkiiba Sagaashan dadkii ku noolaa ay dibadda uga baxeen daadad ku soo rogmaday guryihiin ay xaafaddihii ay ku noolaayeen.

Loading...
Loading...