Somaliya Oo Beesha Caalamka Ka Codsaday In Si Degdeg Ah Ay Uga Qayb Qaataan Gurmadka Fatahaadaha
mudane Xasan Cali Khayre ayaa beesha caalamka ugu baaqay in si deg deg ah ay uga qayb qaataan dadaallada naf-badbaadinta ee loogu gurmanayo deegaannada dalka ee fatahaaddu dhibaatada badan ka geysteen.
Mudane Xasan Cali Khayre oo warqad u diray dhamaan dowladaha saaxiibka ah
Soomaaliya iyo hey’adaha caalamiga ah, ayaa sheegay in dowladda ay bixisay
jawaab deg deg ah si looga hor tago in xaaladdu kasii darto, hase yeeshee
xaalladda hadda taagan ay u baahantahay in si wadajir ah leesaga kaashasho,
maadaama ay jirto dhibaato aad u ballaaran.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in daadadka oo saameeyay deegaaano ka
tirsan Jubaland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, ay 85% magaalada Beledweyne
ku fataheen, ayna sababeen dhimasho, barakac baahsan, burburiyeen kaabayaal
dhaqaale, ugana sii dareen xaaladii bini’aadninimo ee horay u taagneyd, lana
filayo in maalmahaan roobabku sii socodaan, biyaha wabiguna ay sii sare marayaan,
arrintaas oo sababeysa daadad dheeraad ah.
Mudane Xasan Cali Khayre oo adkeeyay in hadii si dhaqsa ah aan ficil loo
qaadin ay xaaladu kasii dari karto, ayaa sidoo kale beesha caalamka ugu baaqay
inay maal geliyaan xalka waara ee mustaqbalka si looga gaashaanto dhibaatooyin
nuucaan oo kale in ay dalka kusoo laabtaan.
---DHAMMAAD----
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya