Madaxweyne Muuse Biixi Oo Furay Mashruuc Ay Hirgelinayso Shirkad Uu Kooto Ugu Xidhayo Korontada Dalka

0
Wednesday October 30, 2019 - 16:55:49 in News by
  • Visits: 3327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo Furay Mashruuc Ay Hirgelinayso Shirkad Uu Kooto Ugu Xidhayo Korontada Dalka

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo Furay Mashruuc Ay Hirgelinayso Shirkad Uu Kooto Ugu Xidhayo Korontada Dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Furay Mashruuc Ay Hirgelinayso Shirkad Uu Kooto Ugu Xidhayo Korontada Dalka


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta furay mashruuc ay hirgelinayso shirkad ay xukuumadiisu qorshaynayso inay kooto ugu xidho suuqa korontada somaliland.

madaxweyne Muuse Biixi oo ay wehelinayaan xubno ka mid ka mid ah golihiisa wasiirada ayaa xadhiga ka jaray mashruuc ay hirgelisay shirkada Sompower oo kooto loogu xidhayo suuqa korontada somaliland, mashruucaas oo la xidhiidha in koronto laga dhaliyo tamarta cadceeda.





Image may contain: 10 people, people standing




Madaxa shirkadda SOMPOWER, Mudane Cabdilaahi Cawad Cali oo ugu horrayn munaasibadda furitaanka mashruucan ka hadlay, ayaa ku dheeraaday dedaalkii ay shirkaddu usoo martay hirgelinta mashruucan iyo dedaalka ay gelisay in la helo koronto laga dhalinayo tamarta dabiiciga ah ee cadceedda si loo yareeyo kharashkii badnaa ee bixi jirey.


Xubno kamid ah saamileyda shirkadda SOMPOWER oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa si isku mid ah u sharraxay faa’iidada uu mashruucani bulshada u leeyahay iyo baahida loo qabo in mashruucan laga hirgeliyo meelo badan oo dalka kamid ah, si deegaanka loo daryeello, loona koobo lacagaha ku baxa korontada shidaalka laga dhaliyo.

wasiirka macdanta iyo tamarta somaliland Jaamaac Maxamuud Cigaal oo hore u ahaa madaxa boodhka shirkada Sompower isla markaana hormood ka ah qorshaha xukuumadu kootada ugu xidhayso shirkadan oo ka hadlay munaasibadan ayaa dhankiisa soo dhaweeyey mashruucan ay shirkadu hirgelisay.

Madaxweyne Muuse Biixi oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadan ayaa iska indha tiray inuu ka hadlo kootada ay xukuumadiisu damacsan tahay inay suuqa korontada ugu xidho shirkada Sompower isaga oo bogaadiyey mashruucan ay shirkada hirgelisay.


madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sheegay in xukuumadiisu ay suuqa xorta ah ogoshahay waxaanu si jees jees ah u yidhi "Xukuumad ahaan waxannu oggolnahay oo aannu ku dhaqmaynaa sida Dastuurkeennu dhigayo in dalka lagaga dhaqmo suuqa horta ah, dawladduna ay dadka u oggoshahay oo ay iyaga ku dhexdhexaadiso mooyaane farogelin mayso suuqa xorto ah, waayo tijaabadii caalamku waxay noqotay in suuqa xorta ahi yahay ka dalka horumariyo, kaasaannu ku taagannahay oo aannu ku dhaqmaynaa,”


Loading...
Loading...