Kud ka Guur Oo Qanjo u Guur.

0
Saturday October 26, 2019 - 11:47:21 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1480
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kud ka Guur Oo Qanjo u Guur.

    Noloshii waxbarashada iyo geedigii aqoonta ee dhowrka iyo tobanka sano soo taxnaa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Noloshii waxbarashada iyo geedigii aqoonta ee dhowrka iyo tobanka sano soo taxnaa,

wuxuu aha mid ku dhisan aragtiyo maadiya iyo awaamiir aan la taaban karin.

Wuxuu ahaa geedi aan la garan karin goortuu degi doono iyo goobtuu ku aadan yahay, kaasoon tilmaamo mooyee aan jiho la arki karo inoo sheegi jirin.

Wuxuu ahaa geedi ruuxii ka hadha lagu dhaleecayn jiray, kii dood ka keenana lagu dhangadayn jiray halka ka dheeligiisa sheegana lagu dhantaali jiray.

Wuxuu ahaa geedi uu macallinku isku mariye ka ahaa, taasoo micnaheedu tahay cida kaliya ee hadli karta, cashar dhigi karta ama fikir soo jeedan karta aaraana gudbin kartaa waa uun macalinka.

Wuxuu ahaa geedi laga reebi jiray ruuxa danyarta ah, kaasoo lagu dhaafi jiray lagagana tegi jiray bacaad iyo dhul gari go’an ah kaasoon hanfi iyo olol mooyee aan oomato kale lahayn.

Iskuuladu waa dayayn

Damiinimaday dhigaan

Dartay uma soo lug go’in

Duruustu falkay tiqiin

                       ”Hadraawi”

Hadaba qoomamada iyo is ciil kaambiga waayahaa naga tegay iyo tayo la’aanta duruusti nala siin jiray anagoo la yaaban, ayaa waa alle mahadiiye nolol jaamacadeed iyo darajo jaamici aanu gaadhnay.

Waxaanu qaadnay wado cusub iyo hilin hor leh, waxaanu galnay anagoo faraxsan isla markaana ku taamaynay inaanu tacliintii tayada lahayd iyo tii runta ahayd soo gaadhnay, haduunbaad toobiyaha saxda ah lugta saarteen ayaanu kor ugu dhawaaqnay.

Judhiiba waxaanu badelnay qaab fikir kayaagii, hanaankaanu u hadli jirnay ilaa iyo aanu ka gaadhnay inaanu badelno habkii labisaada, waxaanu tunka saaranay laabtooyo iyo aalado naga culus isla markaana waxaanu qaadanay bugaag ka waaweyn kuwii hore.

Markaanu sugayno gaadiidka jaamacada waanu la yaabna yaryarka dirayska xidhan ee ay basasku laba dhigayaan, waxaanan hoos u dhahnaa  ”walee lug go’ iyo hadal uun baad soo taradhsanaysaan” balse maanu moodayn inay maqaaxiyaha wadada kusoo jeeda kuwo iyagu jaamacadaha kasoo baxay ay fadhiyaan kuwaasoo iyaguna hoos wax noo leh.

Wuxuunbaanu layaabanayn marka ay ardaydeena jaamacada qalinjabinaysaa inta ay gaawaadhi sawiraantooda kusoo dhajiyaan ay sidii musharax gole deegaan hadba daan tagayaan iyagoo isku socodka wadada iyo gaadiidkaba xidhaya.

Halka dhigooda caalamka kula noolina ay markay qalin jabinayaan ikhtiraacyo cusub iyo farsamo hor leh oo bulshada anfacaysa kusoo kordhinayaan isla markaana kuwo kamidi qorayaan buugaag caalamka oo dhan laga akhristo.

Hadaba bulshooy hadii aad ka dharagsan tihiin wajiyada saxda ah iyo nolosha dugsiyadeena waa sidee nolosha jaamacadu ? Maxaa ma dhalays ka dhigay ardaydeena kumanaanka dufkacadood ee jaamacdaha kala duwan ee dalka kasoo baxaya ? mase is waydiiseen halkaynu usoconaa halkeebaynu se ka soconaa ? waa weydiimo idinku maqan loona baahan yahay war celin tooda.

 

Bal aynu dhowrno maqaalka kan xiga iyo Deegaanka aqoonta iyo duruufaha.

Mahadsanidin dhamantiin.



Qalinkii : C.casiis Maxamed Meegaar

Email: [email protected]

No: 252634859724

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...