Muusahan baloodhada xidhiyo buurta kala jeexan: By Mohampoud Ibrahim (Xaaji)

0
Saturday October 26, 2019 - 11:30:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1614
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muusahan baloodhada xidhiyo buurta kala jeexan: By Mohampoud Ibrahim (Xaaji)

    @Muusahan baloodhada xidhiyo buurta kala jeexan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

@Muusahan baloodhada xidhiyo buurta kala jeexan


@Ee beerti Dacasliyo hantiyey bananka soo jeeda
@ Ee bacadka tubay maataduu dumiyey beydkooda
@Ee kitaabkuu baallaha jariyo buriyey dhaartiiba
@ Ninkan baawarkii lagu tisiyo eeday biligiiba
@ Ee Beecaduu shalay galiyo baajay wacadkiiba
@ Ninkan boobka caadaystay iyo baadda iyo xoogga


@ Ee booliskiyo wada xukuma qaadiyadan baaban
@ Haddaan niman buruudlihi gilgilin ama la boojaynin
@ Amaan boqorka Eebbahay u dirin culimo baab-saarta
@ Amaan bahaha reer Samatar qaban odayadii beeshu
@ Ama aan bulshadii dooratayba biro u soofaysan
@ Amaan baarlamaankuba ku ridin mooshin barakaysan
@Inuu badaha sheegtaa xigtiyo biyaha guudkooda!

Mohamoud Ibrahim (Xaaji)



AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...