Talo Ku Socota Dhego Aan Wax Maqlayn

0
Saturday October 26, 2019 - 11:27:58 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1556
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Talo Ku Socota Dhego Aan Wax Maqlayn

    Qaylo dhaan uur-ku- taaladeeda leh ayaa subax noolba ka dhex yeedhaysa warbaahinta dalka,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaylo dhaan uur-ku- taaladeeda leh ayaa subax noolba ka dhex yeedhaysa warbaahinta dalka,

taasoo ka imanaysa dumar, caruur, dhalinyaro iyo waayeel LA ilmaynaya tacadi kaga imanaya qoyska Madaxweynaha oo dhulkoodii Xoog kaga qaadaya, iyagoo adeegsanaya awooda Kursiga Madaxweyne nimo, waxaana ugu danbaysay tan Ku dhacday macalinka caanka ah ee Mahamed Osmaan Saeed (Mahamed Soomaali), kana mid ah ashkaasta ugu qiimaha badan qarankan marka loo eego kumanaan kun ee dhalinyarada ah ee uu dalkiisa wax u baray, tacabkiisuna yahay wershad aan wax soo saarkeeda marnaba lagu khasaarin. LA yaab ma leh, oo dulmiga ka yimaada kuwa xisaabta aakhiro iyo geerida ilaaway weligiiba waa jiray aduunyada guudkeeda, madax iyo Shacab kuu doonaba ha ahaadee, laakiin, waxaa barbar socon jiray kuwo xaqa u hiiliya oo jawr falka daalimiinta u babac dhiga, daw ma aha, inaad ficilada daalimiinta Ku sugto intuu gurigaaga iyo sariirtaada dusheeda kuugu imanayo, iskana sii daawato ilmada ka tifiq leh inta gacanta dulmi falayaashu hortaa Ku dhacday, ee waxaa muhiim ah inaad si xaq ah isu dhinac taagto kuwa dhibanayaasha u noqday ciddii xaqooda, maalkooda, sharaftooda iyo naftoodaba inay difaacdo ay ahayd.


 

Golayaasha Guurtida iyo Barlamaanka, waxaan kula talinayaa inaanay noqon kuwo mushaharka uun iskaga suga kuraasta dushooda, oo aan wax kale Ku toorayn, ee waa inaad difaacdaan xaqa iyo maalka dadka aad magacooda Ku meteshaan kuraasta aad Ku fadhidaan.

Kuwa xuquuqdooda LA dulmiyay ee aan Weli codkoodii cidi ka jawaabina, waxaan leeyahay ha ka tanaasulina xaqiina ilaa inta aad ka helaysaan, kuna raadsada si salmi ah oo aan fowdo iyo cabsi toona lahayn, waad guulaysan doontaane.

 

Kuwa madaxda ka ah hay'adaha garsoorka iyo hay'adaha kale ee arimahani khuseeyaan, waxaan leeyahay, ilaahay ka cabsada, oo si caddaalad ah ugu garnaqa qoyska madaxweynaha iyo dadka rayidka ah ee kiisasku dhex yaalaan, ogaada, Madaxtinimada ilaahay baa bixiya, ee Muuse Biixi ma bixiyo, oo haddii aad dar ilaahay cadaalad u fashaan Ina Biixi waxba idin ma yeeli karo, ilaahay agtiisana Jacayl iyo raali ahaansho waasac ah baa idiin ooli doona, aakhiro iyo aduunyana waad liibaani doontaan, markaas, haddii qoyska Madaxweynuhu gar leeyihiina gartooda siiya, haddii ay gardaran yihiina umadda ka qabta idiinkoon u eegayn waa qoyskii Madaxweynaha, sharcigana ma jirto cid ka saraysaa, waxaana idin hortaala xujada ah, ama inaad xilka aad haysaan Ku raali gelisaan Ina Biixi, Ama aad Allaha awooda Badan Ku raali gelisaan, tan Danbe, ayaana if iyo aakhiraba idiin cidhib room, haddii rabbi idin garansiiyo.

Madaxweyne Biixina. Waxaan leeyahay haddii aad ifka Ku ilowdo inaad caddaalad fasho, waxaad ka mid noqon doontaa kuwa naxariista Alle ka qada maalinta xisaabta ee nafluhu baahida daran qabaan, Nolosha ifkuna waa dharaaro is-guraya, oo gebe-gabadoodu ay Gabow dacaa-basar leh iyo geeri tahay, ee intaan qoomamo aan waxtari doonine Ku danbayn lahayd, ka diyaar Garow geerida horteed, oo ifka dushiisa ha Ku noqon boqor aan caadil ahayn..........Ilaahow Ku idhiye wax kaga du'.....

  

 Qalinkii: Hussein-laki M. Mohamoud
Burco, Email, [email protected]
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...