Taariikhddii Lixle Gulufkii Iyo Weerarkii Jebistii Mandheera Q.2aad ( Abdi-shotaly)!

0
Friday October 18, 2019 - 18:28:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2506
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikhddii Lixle Gulufkii Iyo Weerarkii Jebistii Mandheera Q.2aad ( Abdi-shotaly)!

    Fiiro Gaar ah, Waxan wadda jir uga qorey qaybtan:-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fiiro Gaar ah, Waxan wadda jir uga qorey qaybtan:-

Duuliye/Mujaahid Maxammed Maxamuud Xayd iyo Sooma laabte/Mujaahid Cabdiraxmaan Maxamed Case ( oo ah Mujaahi-diintii ), oo laba-duba ka mid ah kuwii Fuliyey Gulufkan isaga ah);

 

"Dambar-keedi maandeeq, Nimaan doonin baa dhamay" buu yidhi Tima-Cade, waa dhab, ee Laab-taad ka jeclaatay laayaan, idin-koon sakaaro denged ku dhufane, ee la iskama sheegto mujaahid, Taariikh gacan ku rimis ahna lama soo malmaluuqo iyo wax aan jirin, shaadh aanad geyina lama soo tosho oo uu rag lale lahaa, ee waa kuwan raaggii lahaa magaca la basaday, beeni socon mayso, taariikh-dana been lagama sheego, oo iyadda baa is cadaysa, hadaba geesiyadda runta ahaa iyo wacdara-hooddii oo xaqiiq ah, ka dherega inta huuhaa idinku afuufa-yaan raggii xaska dabadda gelin jirey, ee loogu heesi jirey, " Markay higtu jeedho, habuura u yaaca, mujaahid hagaagsan, markuu la hadlaayo, hamaansi libaaxle, adoo herer jooga, hargeysa xoraynta".

 

 Yaanan kugu daaline khristaw, waxan kuugu bilaabayaa siddii ay u dhacday Jebintii Xabsigii Dhexe Ee Mandheera, taas oo maalin Isniin ahayd, tirsadka taariikh-duna ay ahayd 03/01/1983, wakhti goor dambe ah, oo habeenka badhkii badnaa tegay, inta ay isu daruuri-yeen, isaga ( waa lixle'e) iyo ciidankii la socday ee uu soo xushay, boodhka kaga hurgufeen injirtii meesha haysatay, ka dib-na ay kala baxeen 11 oday oo lagu haystay jeelka, isla markaana laga sii daayey in ka badan 700 oo maxbuus ( sida uu ii sheegay Mujaahid/Duuliye Xayd), wixii ay hub yar-yar ay qaadan karayeena la baqooleen, halkaas oo laba oday oo socon kari waayey, ay jeelkii dib ugu soo noqdeen, sagaalkii kalena ay cidhibta ku dhufteen ilaa iyo ay ka gudbeen xadkii, magacyada 11ka oday ee ay kaxays-teen waa kuwan hoos ku qoran:- 

 

(1) Aadan Maxamed Siraad ( H.Yoonis),

(2) Aadan Maxamed ( Aadan Ruush, Sacad Muuse),

(3) Axmed Maxamed Rasheed (H.Yoonis),

(4) Cabdiraxmaan  (Ma hayno magaciisa kale) Ciise Muuse),

(5) Ismaaciil Xaaji Cabdi  ( H.Yoomis),

(6) Cumar Gaab ( H.Yoonis),

(7) Yuusuf Dhega weyne (Ciise Muuse),

(8) Sheekh Axmed ( Isaxaaq H.Yoonis),

(9) Maxamuud Cilmi Cawl ( H.Yoonis),

(10) Cumar Hadraawi (H.Yoonis),

(11) Caaqil Maxamed Xaruuri ( Sacad Muuse). 

 

* Labadda oday ee ugu dambeeya, ee Cumar Hadraawi iyo Caaqil Maxamed Xaruuri, way xanuun-sanayeen, oo way u socon waayeen, sidaas awgeed way ka tageen, oo waxay dib ugu noqdeen Mandheera, sababta ay uga tageena waxay ahayd, iyaga oo aan gaadiid haysan ee ay dhuumaalaysi ku baxayeen, oo aanay qaadi karayn, wadooyin-kiina la wadda xidhay, waxay-na ka baqeen in lagu soo gaadho inta ay luudina-yaan, sidaa ayey iyagoo sagaalkii kale wada uga gudbaan xadka. Halkaas oo ay dhamaantood ku nabad galeen, sagaalkii nin iyo ciidankii soo furtay-ba. Iyaga oo is qaybiyey, oo qaarba meel ka baxeen, waayo waxay ogaayeen in haddii meel lagu wada qabto, in la wada dili doono, waxayna sidaa u yeeleen, si qaar uun u badbaadaan, hadiiba qaarkood cadowgu helo. Waxay-na arintaasi ahayd taaktiko ciidan ama farsamo ciidan, ilayn waa la is yaqaanaaye, oo nin waliba wuxu yahay waa laga wada dhereg-sanaaye. 

Wuxu yidhi Xaaji Cabullahi Maax, waxan ka soo dhaqaaqnay saacadu markay ahayd 8:30kii fiidnimo (  isla taariikhda kor ku xusan). Ciidanku wuxu gaadhay beeshi marti galisay saacaduu markay ahayd 5tii subaxnimo. Raga dejiyay ciidanka waxay ahayayn.

 

Siddii Loo Qorsheeyey Weerarkan Ragan Lagu-la Baxay Waa kan:- 

 

Waxa fuliyay weerarkan, ciidan ka tirsanaa ciidamadda SNM, Kana soo kicitimay Saldhigii ugu weynaa SNM , taas oo xiligaas taariikh-du ahayd 25/12/1982 ee Taliska qaybta bari, waxay ahayd habeen Axad ah. Waxaa soo habeeyay  tiraada ciidanka, saanadda ama hubka ciidanka iyo gaadiid-kaba taliyihii qaybta, oo ahaa Mohammed Kahin Ahmed iyo taliye ku xigeenkisii  Ali Aden [cali hayaan (naxariistii janno alle ha ka waraabiyo'e). Codsiga lagu soo habeeyay ciidanka waxa lahaa hogaamiyihii halganka SNM Eng Mohammed Xaashi Diereye Lixle (alleh ha u naxariisto'e).

Isgaadh-siinta iyo dal marinta ciiidanka waxa lahaa Mujaahid/Duuliye Mohamoud Mohammed Haid ( Aniga buu yidhi), kulana wareegay masuuliyadda ciidanka tuulada Samtar Axmed, oo aanu ku lahayn  xidhidh qarsoodi ah :- 

 

 (1) Hassan Muhumed Aabi,

(2) Qorax Hussein Gedhi-gidhi,

(3) Dhacadiid Barre Nuur iyo

(4) Bare Nuur Allaale (Xassan Muxumed Caabi iyo  Barre Nuur-ba waxa ku toogtay Hargeisa Faqshtii (IHN)) waxana dilay Gen. Gaani 1984kii. 

 

 Tiradda Ciidanka Galay Mandheera:-

 

Tirada ciidanka waxay ahayd 39 mujaahid iyo afar saraakiil ah, marka laga reebo 5 mujaahid oo la noqotay baabuurkii. Magacyadda saraakiisha waa kuwan :

 

(1) Eng/Mujaahid Mohammed Hashi Dieriye ( Lixle).

(2) Mujaahid Abdirahman Mohammed Case ( Hadda London Ku Nool, sheekadana wax ka qorey.

(3) Mujaahid Abdi hakim Mohammed Aden [Xaakimkii Maxkamda Dhuusa-mareeb]

(4) Iyo Mujaahid/Duuliye Mohamoud Mohammed Haid  (  oo sheekadan  aan ka qorey, isaga iyo Mujaahid Cabdiraxmaan maxamed case, sidda aan halka ugu saraysa idiin ku soo sheegay).

 

Waxa sameeyay xidhiidhka beesha iyo sahanka ciidanku uu ku kicitimay-ba Duuliye Xayd.

 

Weerarku wuxuu dhacay 3/01/1983 saacadu markay ahayd 2dii iyo 30daqiiqo oo maalintu tahay Isniin. Markii ugu horaysay:-

 

(a)  Waxaanu sugnay ama saxnay sahanka dugsiga tababarka,

(b)  Jeel-ka oo aanu u galnay gudaha goor habeenimo ah,

(C) waxa aanu ku ogaanay labadda qodob ee A & B, kuna helnay tirada ilaalo ciidan ee labadaa goobood-ba iyo,

 (d)  Intay hub iyo rasaasba haysteen. 

(e) Dugsiga tababarka  ilaaladiisu waxay  dhameen 72 askari, rasaasta midkiiba wuxu haystay,  shan xabo iyo qori Kaarabiin ah, sida caadiga ah ee lagu yaqaan gaadhka, isu-geyn waxay ahaayeen 360 xabbo oo rasaas ah.

(f) Jeelka ilaaladu waxay ahayd 14 askari ,rasaas-tana midkiiba 30 xabadood iyo qori A/K 47 ah, Isu geyntu waa 420 xabbo oo rasaas ah.

 

 Hubka Mujaahidiintu Sidatay:-

 

(a) Mujaahid kastaa wuxuu sitay xagayaga ugu yaraan 180 rasaas ah ,

(b) Qori AK/47 ah iyo,

(c)  Ugu yaraan afar bombo gacameed.

(d) Todobadii mujaahidba, mid ka mid ahi wuxuu sitay qori ah AK oo boobe culus ah,

(e) Waxa kale oo isla unuga todobada ah ka mida ahaa, mujaahid sita qoriga baasuuka ah.

Ilaalada dugsiga waxay u badatay waxa lagu ilaalinayay ciidan la soo raafay lagana keenay koonfurta Soomaaliya.

(F) Tirada ciidan ee weerarka dugsiga tabarka fulisay, waxay dhamayd 30 askari iyo laba sarkaal oo kala ah Abirahman Mohammed Ase (case), iyo Abdihakim Mohammed Aden.

(g) Jeelka  iyo kaantaroolka waxa galay 9 askari iyo laba sarkaal oo kala ah Eng. Mohammed Hashi Dieriye [lixle] iyo Duuliye Mohamoud Mohammed Haid. Weerarku wuxuu qaatay mudo ugu badnaan   20daqiiqo ah.

 

 Qaabkii uu u dhacay Weerarku:-

* Dhimasho iyo dil ugu maanu talo gelin, iyadoo uu ahaa weerar kedis ah,  oo aanu jirin ciidan iska kaayo  caabiyi karaa.

* Ciidankii iyo ilaaladiiba waxay noqdeen wax dhuunta iyo wax cararay, mannay  soo rogaal celin.

* Ciidankii la soo raafay kamaanu furin iridaha ama albaabadda, si aanay khal-khal u galin deegaanka. waxaanay ahayd ku tala gal-kayaga, iyaguna beerka ayay dhigeen, si ay u nabad galaan.

* Jeelka waxaanu u furnay albaabadda guud, hase-yeeshee maanu furin maxaabiista gaar-gaarka u xidhnayd.

 

* Waxa naga dhaawacmay  laba askari,

(1)  Jama Qarash,

(2) Abdi Yussuf fandhiye, labaduba waxay noqdeen  dhaawac fudud oo xabaddu ay jiidhaysay.

(3) Dhinaca kale waxaan hubaa dhimasho gaadhki koowaad ee kaantaroolka iyo hal askari ku dhintay jeelka, oo isku deyay inuu na caabiyi karo.

(4) 3 askari oo aanu ku qabanay Kaantaroolka, waanu sii daynay markii aanu la baxnay maxaabiista.

 

* Maxaabiis waxaanu soo taxaabnay 11 maxbuus. Kumaanu talo gelin inaanu kaxayno maxaabiis intaa ka badan

* Waxa kale oo aanu ku tashanay, in aan la gubin makhasiinka hubka, rasaasta, shidaalka iyo saad-kaba.

                                       Xusuus:-

Way maqnaayeen labadda taliye ee jeel-kuba habeenkaa iyaka oo kala ahaayeen magacyadoodu:-

 

(1) Taliyaha dugsiga oo ahaa magaciisu:- Gaashaanle Abokor Xuut

(2)  Taliyaha Jeelka oo ahaa magaciisu:- Ciise muse.

 

Ciidanka waxa hawlgalka noocan ah loogu sameeyey,

Sababahan hoos ku qoran awgood:-

 

* Si loo hanto geesinimada ciidamada SNM.

* Si loo helo taageerada shacabka gudo iyo debedba.

* Si loo hanto kalsoonida dawladii inna siisay magan gelyada (Itoobiya).

* Si loo fashiliyo kalsoonida dagaal, ee ciidamadii maamulkii Siyaad Barre.

* Si aduun weynaha loo dhacsiiyo fashilka maamul ee Madax weyne Barre.

* Si looga helo tageero siyaasadeed aduun weynaha.

* Ciidanku waxa uu ka soo duulay saldhig Mandheera u Jira 250km.

* Da'da mujaajidiintu isku celcelis ( Average age), waxay ahayd 22 sano.

* Saraakii-shuna dhalin yaro ayay ahaayeen. 

 

* Ugu damayn, " Mahad" Illaah baa leh, waxa kale oo aanu halkan uga mahad naqaynaa, dad aad u badan, oo arimo gaar ah noo fuliyey, laakiin sababa gaar ah awgood, aanay hadda sugnayn sheegis-toodu, iyo qaar siro ah oo wakhti-goodda la soo bandhigi doono, laakiin aan hadda ku haboonayn. Ilaah ha u naxariisto intii dhimatay iyo inta noola ha siiyo khayr iyo barako. May I say thank you to those supported at this servival of Somaliland rebirth liberation & wish them nice & health.

 

 La Soco qaybta 3aad.

 

   * N.B. Dambar-Keedi Maandeeq Nimaan Doonin Baa Dhamay!

Qore:- Abdi-Shotaly.

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...