Wasaarada Caafimaadkad Oo Fasiraad Ka Bixisay Dhawaaq Ka Soo Baxay Wasiir Ku Xigeenka Oo Bulshada Guux Ku Abuuray

0
Friday October 18, 2019 - 18:25:38 in News by
  • Visits: 2016
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaarada Caafimaadkad Oo Fasiraad Ka Bixisay Dhawaaq Ka Soo Baxay Wasiir Ku Xigeenka Oo Bulshada Guux Ku Abuuray

    Wasaarada Caafimaadkad Oo Fasiraad Ka Bixisay Dhawaaq Ka Soo Baxay Wasiir Ku Xigeenka Oo Bulshada Guux Ku Abuuray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaarada Caafimaadkad Oo Fasiraad Ka Bixisay Dhawaaq Ka Soo Baxay Wasiir Ku Xigeenka Oo Bulshada Guux Ku Abuuray


Hargeysa(HWN):-Wasaarada horumarinta caafimaadka somaliland ayaa fasiraad ka bixisay dhawaaq ka soo yeedhay wasiir ku xigeenka wasaaradaasi oo guux ka dhex abuuray  bulshada.

Image may contain: 3 people, people sitting, table, office and indoor


war lagu baahiyey boga wasaarada horumarinta caafimaadka ayaa lagu sharaxay ujeedada dhawaaqa wasiir ku xigeenka, waxaanay u dhignayd sidan:-

Si Xun Wax u Sheeg Sixir Waa Ka Daranyahay..

Hadaba arrinta ah, afartii qof ama saddexdii qof ee soomaali ah ba hal qof ayaa waalan, waxay ka dhigan tahay hal qof ayaa xanuuunada maanka ama miyir la'aanta keena qaba. 

Maan iyo miyir waa laba kala duwan, maanku waa maskaxdii halka miyirkuna yahay la socoshada dareenka jooga. Dhammaan xanuunada dhimirka ku dhaca waxaynu u aaminay inay waali ama miyir la'aan wada yihiin. Laakiin, sidaa maaha, inta ugu badan xanuunada dhimirka ama maanku miyir la'aan ma keenaan, waxaana ka mida, niyad jabka, werwerka badan, shakiga badan, isku buuqa, dabeecada qalafsan iyo kuwo kale oo badan. Bulsho badan ayaa niyad jab iyo werwer ku jirta oo bukaan socod una baahan xanaanayn iyo la socosho.


Badnaanshaha xanuunada dhimirku inagu badan yihiin waxa ka mida faquuqida ruux qaba, iska fogaynta iyo isku caayida.


Fadlan soo dhawee walaalkaagaa dhimirka ka xanuunsanaya ama aad ka dareento in fahamkiisa ama wacyigiisu hooseeyo ama niyad jab ku yimi, dareensii garab iyo walaalnimo, dhagayso una arag ruux buka oo xannaano kaaga baahan.


Xanuunku ceeb maaha, waa cashar bani aadamku maro, sidaa awgeedna xanuunada dhimirka ku dhacaa casharkaas iyo imtixaankaas ayay ka mid yihiin mana haboono in la ceebsado ama ciyaar laga dhigto.


Warbixinta wasaarada horumarinta Caafimaadku sheegtay, sidoo kalena hay'ada caafimaadka ee WHO, muddo hore soo saartay ee hal qof ayaa afartii ruuxba dhimirka wax ka qaba, waa cilmi baadhis sugan oo muddo hore la shaaciyay una baahan in si wada jira wax looga qabto.


Muhiiimkuna waa inaynu is la garano odhaahda ah:


"Miyir qab caafimaad kama horeeyo"


" No health with out mental health "

Allaa mahad leh..

Loading...
Loading...