Wasiirka Daakhiliga Ciddi Ka Aqbali Mayso In Uu Shacabka Ka Dardaar-Wariyo Qabyaalad Gabileyna Inta Ay Ka Taqaanaa Waa intii ay Kala hadheen Raggii.

0
Saturday October 12, 2019 - 10:56:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1485
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Daakhiliga Ciddi Ka Aqbali Mayso In Uu Shacabka Ka Dardaar-Wariyo Qabyaalad Gabileyna Inta Ay Ka Taqaanaa Waa intii ay Kala hadheen Raggii.

    Dad badan ayaa isweydiiyay Khudbad uu ka jeediyay khamiistii Magaalada Gabiley Wasiirka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad badan ayaa isweydiiyay Khudbad uu ka jeediyay khamiistii Magaalada Gabiley Wasiirka
Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Kadib markii uu ka hadley Mawduuc ku Sahabsan Dardaaran uu Fariin ahaan Shacabka uga jeedinayo inaanay Qabyaalada ku dhaqmin oo iska ilaaliyaan kana fogaadaan, kana dheeraadaan Hurumar iyo Hurumar la.aan iyo Sheekooyinkiisii Is daba Socdey.


 

Ujeedada dhabta ah ee Hadalkaa ka Keenay, Maxamed Kaahin maanta, Waa Xaqiiqda dhabta ah ee Wacyiga horyaala Sababtoo,  ah hadii ay dhacdo in Xisbiga Kulmiye loo maxlalo Waa mid aan u Suurtagaleyn oo Qabyaalada ay jideeyeen ee ay Doorashadii Madaxtooyada ku galeen ayaa maanta u diideysa Waxaana Ragga u Tartamaya kamid ah anigoo Xisbiga Kulmiye katirsanaa, iyo Rag Mudakar ah oo Beeshiisa kasoo jeeda oo Maxamuud Xaashi kaw ka yahey Marka Qabyaalada loo eegona Gees kasta oo laga joogsado, iyo doc kasta oo laga eego Waa mid Xaq looga leeyahey.

 

"Leyligu Biyaha Kashkiisa Kujira ayuu.ka Buubaa"

 

Haddaan usoo Noqdo ujeedada Qoraalkaygan, Waxaa horta umadda Reer Somaliland guud ahaan iyo Gaar ahaanba Xataa qof kasta oo garanaya, ama Yaqaan ama ay Isku Beel Yihiin, aanu ka aqbalayn oo ka dhagaysanayn, Wasiirka Daakhiliga Maxamed Kaahin ● in uu Cid ka dardaaro, qabyaalad Waxaa uu Caan ku yahey oo lagu Yaqaan oo Qof Waliba ku Calaamadsadaa Waa Qabyaalad iyo Xadhigeeda ama Nin Qabiili ah, oo uu Mucalim ugu yahey, Madaxweynaha Maanta talada haya Muuse Biixi Cabdi Waxeynu Wada ogayn in uu Ahaa Ninkii Qabyaalad Darteed iyo Xiisadeed Isaga Casiley Xukuumadii Madaxweynihii u Horeeyay ee Somaliland Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali ee haddana Ragii Xilalka ka hayay Xukuumadaas ee ay isku Beesha ahaayeen, ku qasbey innay Faral Qabyaaladeed Tahey innay is Casilaan oo isaga la Mawqif Noqdaan, arintaa  Qabyaalada Qaawan ahi Waa mid ilaa maanta Saameyn ku leh Maxamed Kaahin iyo Noloshiisaba.

 

Haddaba gabagabadii, Maxamed Kaahin Waxba Yaanu Reer Gabiley.ka Dardaarin Qabyaalad Taariikhdiisa inta Waxgaradka ah iyo Mujaahidiintii inta ka nooli Waxa ay Xogtiisa kala hadheen Mujaahidiintii Geeriyootay oo Marxuum Xasan yoonis Habane ugu horeeyo, midna ha ogaado Qabyaalada isaga iyo Saaxiibkii Muuse Biixi ayaa u bilaabay Damacoodii mid lamid ah ayey leeyihiin.

 

Najiib Ismaaciil Maxamed

Somaliland Gabiley

Tell:0634466339

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...