Haddaan Madaxweyne Farmaajo Maanta Ahaan Lahaa.....! By: MaxamuudIbrahm (Xaaji)

0
Saturday October 12, 2019 - 09:52:45 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1599
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haddaan Madaxweyne Farmaajo Maanta Ahaan Lahaa.....! By: MaxamuudIbrahm (Xaaji)

    Soomaaliya waxa ragaadiyey khilaaf siyaasadeed oo sababay kalashaki iyo kalsooni darro bulshada dhexdeeda ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaaliya waxa ragaadiyey khilaaf siyaasadeed oo sababay kalashaki iyo kalsooni darro bulshada dhexdeeda ah.
Arrimahani meeshay ka bilaabmeen iyo meeshay ku dhammaadaanba waa hogaan xumo. Haddii la helo hoggaan damqasho iyo dulqaad isku dara  oo akhriyi kara baahiyaha iyo dareenka shacabka xalku wuu fududaan lahaa. 

 

Maanta waxa Kismaayo jooga "madax Soomaaliyeed", madaxdaasi maaha ceeb-ka-saliin, ee waa niman la soo tijaabiyey oo badidoodu qayb ka ahaa welina ka ah dhaliilaha ina ragaadiyey. Su'aasha isweydiinta u baahani waxay tahay, Madaxdaasi ma loo adeegsan karaa inay qayb ka noqdaan xal u helidda xaaladaha maanta cakiran? Aniga aragtidayda hadday dhibka qayb ka noqdeen welina qayb ka yihiin oo ay bulshada saamayn ku leeyihiin, waa loo adeegsan karaa (ama iyagaaba garan kara) inay toobad keenaan oo wanaagga iyo isu keenka ummadda Soomaaliyeed ka shaqeeyaan.

 

Anigu ilaa bilowgii doorashadan Kismaayo ee MW Axmed Madoobe dib ugu soo noqday kamaan mid ahayn dadka aadka ugu qanacsan. Sidoo kale  dadka ku qanacsan N&N siday rabeen inay wax u maareeyaan welina ay wax u wadaan ee ah ismuquuninta iyo "ku jiqsiida" kamaan mid ahayn. Haddaba maanta maxaa ina hor yaalla?

 

1) Waxa ina horyaalla in Kismaayo madax Soomaaliyeed oo miisan leh ay ku kulansan yihiin oo rabaan inay garab siiyaan doorashadii MW Axmed Madoobe 

2) Iyo in Madaxdii Federaalku ay meeshoodii hore taagan yihiin oo aanay muujin wax debec ah kuna adkaysanayaan "doorashadaasi waa xaq darro annagaana qabanayna mid xaq ah oo xor iyo xalaal ah". 

 

Maxaa ka dhalan kara labadan aragtiyood ee is diiddan? 

 

Waxa keliya ee ka dhalan karaa waa in dan Soomaaliyeed ku lunto oo khilaaf aan loo baahnayni oo weji cusub lihi bilaabmo. Khilaafka iyo ismari waaga halkaa ka dhashaana guri kasta oo Soomaaliyeed wax yeelladiisu way gaadhaysaa. Madaxda Villa Soomaaliyana wax ay ku waayaan mooyaane waxba uguma kordhayaan ismari waagan, eeddeeda ugu weynna iyagaa qaadaya sababtoo ah waa hoggaanka Soomaali oo dhan taladeeda haya Soomaali oo dhamina sugayso inay xal lagu kala badbaado keenaan. 

 

Haddaba haddaan Madaxweyna Farmaajo ahaan lahaa maxaan maanta samayn lahaa?

 

Haddaan ahay MW Farmaajo maanta Addis Ababa maan aadeen, waxaan  u diri lahaa wasiirka arrimaha dibedda, waxaanna cudurdaar ka dhigan lahaa in hawl weyni gudaha ii taallo xalkeedana aniga la iga sugayo. Tallaabooyinkanna waan qaadi lahaa:-

 

1) Waxaan ka degi lahaa magaalada Kismaayo waxaanna hoygooda ugu tegi lahaa ragga halkaa isku urursaday dhammaantood iyadoo aan cidina noo dhexeyn noona kala dabqaadayn. 

2) Waxaan ku odhan lahaa; waddankeennii waad aragtaan, seben walbana rag baa taliya, mustaqbalkii dhulkeenna iyo dadkeennuba maanta gacanteennuu ku jiraa, khilaafka dhexdeenna ah inay dan Soomaaliyeed ku lunto if iyo aakhiroba waa laynagu eegayaa waana laynagula xisaabtamayaa. Waxaan idiin ka baahannahay qof walba oo inaga mid ahi inuu Ilaahay hortii iyo ummadda Soomaaliyeed u tanaasulo oo ka soo taliyo wax wiilka-wiilkiisu u aayo oo ifkeenna iyo aakhiradeennaba u roon Soomaali oo dhanna isu keeni kara. Waxaan idin ka rabaa in qof kasta oo inaga mid ahi 24ka Saac ee soo socda kasoo fekero in taladii Soomaali lagu badbaadin lahaa ay isaga "KELIGII" hortiisa taallo xalna laga sugayo. Hadalkaygana waxaan ku soo gebagebayn lahaa anigu maanta taladii idinkaan gacanta idiin geliyee qof waloowba keligaa adigoo xor ah berrito wixii aad xal u aragtid iyadoo qodobaysan isu keen keena. Intaana waxaan raacin lahaa, ogaadana Kismaayo dib uga laaban maayo innagoon ummadda Soomaaliyeed u hayn rajo ay ku tashadaan oo kaga baxaan khilaafyada joogtada ah ee ummaddana kala irdheeyey, asaageenna inaga reebay. Waxaanna ku soo gunaanadi lahaa shirku waa inoo xidhan yahay taladii Soomaali lagu badbaadin lahaana idinkaa maanta la idin ka sugayaa.

 

Soomaalidu waa dad islaam ah way madax adagyihiin, haddana way qalbi wanaagsan yihiin. Soomaalidu wax iska celinta way yaqaanniin, sidoo kale waa dad samirka yaqaan oo wax ka tegi kara hadday ixtiraam iyo garoowshiiyo helaan. Bani'Adamkuna sidiisaba haddii talada laga qaybgeliyo oo kalsooni la tuso waxa is bedela dabeecaddooda ah wax iska caabinta. Waxaan hubaa haddii Madaxweyne Farmaajo nimankaa walaalihiis ah u tago oo u maro dhaqan Soomaaliyeed iyo "rag walaaloow wuxuu ku dhaamo la waa" in xal laga gaadhi lahaa ismari waagan dan badan oo Soomaaliyeed inagaga luntay.

 

Abiy Axmed wuxuu maanta abaalmarinta NOBEL PRIZE ku hantay waa go'aankii geesinimada iyo filanwaaga ahaa ee uu  Asmara kaga degey kulana heshiiyey cadowgiisa. MW Farmaajo waxa looga baahan yahay inuu wax ka barto waxyaalaha hortiisa ka dhacaya. 

 

Mohamoud Ibrahim (Xaaji).

[email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...