Hawieye Iyo Daarood Waa Heshiis Hana Ku Soo Laaban.

0
Saturday October 12, 2019 - 09:45:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1550
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Hawieye Iyo Daarood Waa Heshiis Hana Ku Soo Laaban.

    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).


SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,

BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA

 

1-GABAABSI WEEYE DUNIDI HADDAA GARAN LAHAYDENE,

   GAAXBUU DULMIGU NUUGAYAA,GALAY SHINKIISIIYE,

   GARBADUUB IN BADANB QABAYO,LOO GARDAADAMAY,

   GOD KASTABA KA SAAREEN ISLAAMKU OY GAGABIYEENE,

 

2-GAALIYO ISLAAM WAXA KU NOOL DUNIDAN GUUDKEDA,

   GUULAHAA ABUURO U SIMAY GARI MARKAY JOOGTO,

   GACAL IYO WALAALIYO XIGAAL RUUX HA GARAB SIININ,

   GARO WAAJIBAADKAAGA GUUDO ADIGU  GUDO AWOODA.

 

3-GUUDKA AMAR KA YIMID YAANU DUMIN GEEDISOCODKA,

   GODKAA AKHIRO QUDHA AYAAN LAGA GABOOBAYNE,

   GUUNYO IYO KU FAANFAAN WAXA DUNIDA GUUD YAAL,

   GABAL DHACAY KA SOO QAAD HADDII LABA GO’ KAA RAACI.

 

4-GARSOORU HADDU DAACADYU WAAJIB GUDANAAYO,

GABASHO UMA BAAHNOO ALAAA GUUDKA KA ILAASHA,

GARGAAR GOONIYUU LEEYAHAYU EEBBE GARAB JOOGO,

GEES HADDUU U LEEXLEEXDO  UU GACN TUGAALEEYO,

 

        AFARTAA HADDIYAD GAAR AHIYO HAYB GARSOR QARAN.

 

       GEEDI KALE DADWEYNUHU WAR BAY SOO HUDHUDIYEEN,

       MIDIYUHUNA WAY WADA HAYAAN WAY HABRANAYAANE,

       INKASTOOYBA XAMAR KALA HAAJIRTO HAYBI KALA SOOCDAY,

      AMISON (HELEEN SIDAY RABEEN HEEGAN LACAG QAATA)

      DAL HOGAANKA LAGA IIBSADAAN HIGSIBA LAHAYNE,

      HANTIDUU SHISHEEYA KA HELAY HEERE BOQONTII,

      HUBIYO CIIDAMU DOONTAYUU XAMAR KUU SOO HOOYO,

      HILINKII ADEERKII U MARAY YUU HADDERR GALAYE.

       HAWEIYE IYO DAAROOD WAA HESHIISH HANAN DALKODI,

       HABAARQABE HA SOO NOQONE ADDIS HOY YAR KA SAMAYSO

               ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...