' Kaftanka Maanta , Kalaamkii Jaamac Oday ''.

0
Wednesday October 09, 2019 - 18:47:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1711
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ' Kaftanka Maanta , Kalaamkii Jaamac Oday ''.

    Sheekaba sheeko ayay keentaaye maalmihii uu socday ololihii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekaba sheeko ayay keentaaye maalmihii uu socday ololihii
doorashada ee madaxtooyadda 2010 ayaa waxaan ka shaqayn jirey shirkadda Telesom , qaybta Sales oo aan si gaara u la shaqayn jirayna waxaa madax ka ahaa oday la odhan jirey Mr Jaamac oday ,kaasoo doorashadda ka dib noqday Agaasiimihii guud ee wasaaradda maaliyadda , markii danbena Mogdisho wasiir ka noqday.

 

Jaamac oday wuxuu ahaa nin kaftan yaqaana oo murti miidhana , dhinaca kalena gudiyada hoose ee Kulmiye ayuu ka mid ahaa ee dadaalka wayn ku jirtay .

 

Dabeeto maalmahii ololuhu bilaabmay ayaa goor subax horre ah anagoo meel taagan uu naggu soo leexday anagoo rag badana , waxaanu naggu soo tuuray dhawr kalmadood oo kaftana , kaftankii maalintaas ee jaamac oday waxaa ka mid ahaa '' Doorashadaa maanta hadii Siilaanyo dhaco , Somaliland iyo Isaaqba waanu ka baxaynaa , dibna u sheegayn mayno laakiin waxaanu isku haynaa ta aanu ka hor baxayno , imika inamadda garaadsaday intii Kulmiye guulaystay ee lasoo boodaya marna waa Rashiid marna Rashaad waxaan xasuusinayaa halkii barigaa marayseen ragbaa kumanaan mayl ka shisheeya .

 

W/Q: Ahmed Nuur Guruje


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...