Hunguri-Dhaqmeedka Dhuuntu Xukuntaa Yey Wakiil Ka Yihiin( Abdi-Shotaly)?
Bal in aanay gari ka bixin askarta iyodaba dhilifya-doodda, kuwaas oo fandhaalo u ah lagu cuno,huntidda ummadda ee la futaynaayo, siddii muqmad Aroos, gar gashaana aanay jirin haba-yaraatee, meel kaste oo aad maamul-koodda ka eegtid, oo aan la hayn wax cadaalad la yidhaahaa iyogarsoor, loona sinayn, ee jeegaanta aan xeer qabtaaaba jirin iyo xadhig lagu xidhaa-toona, laakiin wixii aan iyaka ahayn lagu fulinaayo, wax ay kusheegaan Distoor, kaas oo ahmid wixii aan jeegaanta ahayn loo sameeyey,daliil-kiina waa kan Muwaadin ee ku soo bood. Ummad yahay sidaad u dhan tahay ma bal is weydiiya oo ma haysaan, ruux jeegaanta ka mid ah oo xidhan, ama ma sheegi kartaan-ba ilaa iyo maalintii ay askartu boobka kula wareegtay guriggii moorgan ee " Xaafad-tooyadda", qof qudha oo intuu denbi galay la xidhay, waa habeenkii xalay in aad soo heshaan, mana jiro, wax jeelka ku jiraa oo la soo ashta-keeyey, ee waxa mubaax looga dhigay, in siday doonaan u socdaan, wxay doonaan ku takri falaan, waxay doonaana ku hadlaan, oo aan haba-yaraatee juuq loo odhan, weilba loogu sacab tumo dal bay difaacayaan been ah. Habeen isniin soo gelaysay ee bishu oo ay ahayd 07/10/2014, waxa cadaan ah in askartu u saxeexday $150,000 oo doolar biidhi-qaata-yaasha hor fadhiistay, laguna yidhi, u geeya, reerka meesha dega uu Janaral Caarre joogo, oo ku dhaha dhulkiina ka saara, oo ha idinka baxo, taana waa la og-yahay, wax dhici karana, suuro gal ahna maaha, in ay taas sameeyaan reerkuye, wax idinka soconaaya oo kale ma haysaan, calooshood u shaqaysta-yaashaw.
Hadal waa run kama rayste, haddii xaq la doonaayo, oo xaajadu daacad tahay aan lagu danbaabaynin, maxay ku xidhan yihiin? Mukhtaar Aadan Cali, Abwaan baashe, Coldoon, Cabdilqaadir Xasan, Liqoo yare iyo qaar kaloo badan?i. Waa maxay sharciga lagu sii daayey, Caaqlikii hubka ku sii waday Ceel-Af-weyn, ee maca xaajiyadddii rasaasta siday ee loo denbebesay?, loona yidhi waxba muu samayn, waa kee sharciga fasaxayaa siddii uu sheegay ka habaarka qabaa ee " Kud-madoobi"? Waxad ugu yeedhaan Buur-madawe, ee uu lahaa, ninkii wax dilay ee aanu soo qabanay, waxa la sii daayaa saddex maalmood ka bacdi, oo uu hadana mar kale wax dilay, kuwa waxaa samayna-yaana, waa " Gafane" Ka lagu magacaabo " Gaafaadhi iyo Geenyo Shaaximan. Maxaa lagu xidh-xidhay Odayaashii Gobolka Sanaag ee la geeyey Gebiley, Hargeysa iyo Mandheera? Ee loo haystaa? Ma wax bay dileen?, kuwii gacanku dhiig-laha ahaana oodda looga qaaday? Waxan akhristaw ku soo dabray qoraalkan, odayaal ku sheeg Hunguri-dhaqmeed ah, baa daraad u tegay Maamulka asakrta ee ka shimiro-waaqleeya " Xaafad-tooyadda", iyadda oo ay markii hore-ba khalad ahayd in ay hor fadhiistaan" raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo shaaximan" ba awuxu ku yidhi hore baan idiin siiyeey doolar oo aan idin idhi ku soo qabta " General Caarre", ma saamaxaayo, ee waa in uu dalka ka baxaa . waxan kus oo jaray, kuwa wax ku doontay qabashadda " Caarre" , ha ogaadeen in aanay cid ay ka mansuul yihiin jirin, Garxajisna aanay u talin, soona qaban karin, dal ay ka sarai karaana aaynu jirin, afka laydha haw dhigeen, oo bal waxay hayaan ha soo daayeen iyaka iyo labadda askari ee maskax-feredka qabaa siddii lax dhukan
- N.B Gareey Lagu Neceb, Nina KUma Rabo!
- Qore: Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!