Dhaxalka Buugga Haaneed: Suugaan Cuddoon Iyo Sargoyn Wacan
Haaneed, waa dhigane ka kooban 297 bog waxa ku qoran 31 maanso oo sirasmiya u qoran iyo 5 tixood oo meelo kale duwan ku kala jira. Maansooyinkan dhammaantood waa intii aan hore loo qorin intii laga heli karayey. 31 maanso waxay ka hadlayaan qaybaha nolosha, badhaadha bulshada iyo baahideeda, Jacaylka iyo jamashada ruux ku jecel. Burburka iyo baylah-tirka ummadda, halganka iyo u hayaanka hal kaa fog, ku sugnaanshaha naruurada nolosha iyo nabadda .Wuxu ku tusiyaa in aanay nolol jirin karin nabad la’aanteed, geediga noloshuna ma socon karto. Horumar iyo hawraarna aan isdhaafsan karin. Waa Buug ay ku dhan yihiin qormooyin iyo qoraallo qaybo badan oo ka mid ah Maansooyina mudhbaxay. Buugga waxaa ku jira 3 maanso oo ay abwaanno kale tiriyeen sida: abwaan Muuse Madar Cawaale oo tiriyey maansada darreen shacab iyo abwaan Jaamac-Shaacir oo tiriyey maansada Daweeya.
Buugga Haaneed waxa qalinka u qaatay,
qaab iyo quruxna u yeelay ururin badan oo habeen iyo dharaarba u
socdaalay, jiif iyo joogna u diiday,
hayaan dheer oo habayn badani ka muuqatana u galay isla markaana tifatiray
qoraa, Axmed Iid Aadan. Axmed Iid Aadan waa qoraa wax ka qora arrimaha afka,
dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida.
Buuggan maansooyin keli ahi kuma
kaydsana, balse waxaa ku kaydsan qoraallo, sharraxaado iyo xogo badan oo waxtar
leh. Sidoo kalena faallooyin iyo falanqayn farshaxan sarreeya leh oo mid kastaa
filanwaa kugu noqonayso. Waxa intaas raaca Baadisoocda ummaddeenu gaarka u
leedahay iyo siday u noolaayeen waayadii hore.
Dhiganahan ku horyaalla waxa ku jirta
murtidii Abwaan Axmed Aw Geeddi, kaas oo uu qalinka u qaatey qoraa Axmed Iid
Aadan oo shaaca kaaga qaadaaya si qurux badan oo xirfad
qoraannimo ka muuqatowaxaad shilin ku wayday! Sooyaal iyo xikmad abwaan ayaad
kala soo dhex baxaysaa…………………………………La soco qaybta danbe hadduu Alle idmo.
Faadumo Buuni
Hargeysa, Somaliland
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!