'' C/kariin Axmed Mooge , Barasho wanaagsan ''.
ahaayeen Abtigay Xuseen Axmed Guuleed oo aan gurigiisa ku bartay sanaddii 1993 kii .
Maalmaha Khamiisaha
iyo Jimcaha marka aan aqalka abtiyo taggo oo ku yaalay Xaafadda Beeraha ee New
Hargaysa ayaan arki jirey iyagoo abtiyo wada qayilaya oo halkaa wada fadhiya ,
ka dibna sidaas baan u aqaanay .
Maalin maalmaha ka
mida oo khamiisa ayaa sidii noo caadada ahayd aniga iyo dhalintii aanu isku
gedaha ahayn waxaanu tagnay Air port Hargysa , waa 1994 intii aan Eerboodhku
xidhmine .
Waaggaa Eerboodhka
dadka lagama celin jirine anagoo joogna barxada horre ee Madaarka oo iska
xaraabaysanayna ayaan si kedisa ishu ugu dhuftay Abtiyo oo isoo eegaya , ka
dibna waan u tagay , waxaanu igu yidhi yaad la socotay , dabeeto intaan baqday
baan ku idhi , Abti adeero , markaasuu igu yidhi '' Adeero Ahmed Mooge '' ayaan
sii dhawaynayaa oo Nairobi qabanaya dab, dabeeto abtiyaa ku yidhi walaashay baa
dhashay ,markaasuu intuu i gacan qaaday igu yidhi adeer nabad gelyo .
Alla ha u naxaristee
Axmed Moogge maalintaasaa Hargaysa ugu danbaysay , waxaana qaaday maalintaas
Diyaaradii jaadka Miirowga berigaa Hargaysa keeni jirtay ee Kabtan Faarax .
nasiib wanaag dadkii ugu danbeeyey ee Axmed Hargaysa ku arkay baan ahaa .
Axmed moogge markuu
tegay Kenya , wuxuu berigii danbe ku noolaa magaaladda Siolow oo ah magaalada
ay ku nool yihiin abtiyaashay rumaad iyo habar yarahay , Axmed iyagaa bud
dhigay oo uu dhabtooda ku go'ay .
C/kariin Axmed Moogge
, waxaan bartay 1997 , waxaanu ii noqday Macalin , raggii aanu waagaa uu
macalinka noo wada ahaana waxaa ka mid ahaa , Cabdi seed , Maxamed Dauud , iyo
Yuusuf maxamed xuseen iyo qaar kale oo badan .
Si kastaba ha ahaatee
, marka kasta oo aan arko macalin C/kariim Axmed mooge , waan ooyaa , waxaanan
ku xasuustaa adeerkay Axmed Mooge iyo Abtigay Xuseen oo ilaa maalmihii
noloshiisa u danbaysay la saaxiib ahaa codkii Axmed oo aan ku arki jirey isagoo
markuu fadhiyo dhagaysanaya .
Si kastaba ha ahaatee
, cidii aan isu kaaya aqoon Cabdikariin barasho wanaagsan .
W/Q: Ahmed Nuur Guruje
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!