Idi Cohen: Aqoonsiga Somaliland ee Maraykanka iyo Imaaraadku Wuxuu Qodax Ku Noqon Doonaa Turkiga

0
Sunday May 24, 2026 - 23:19:05 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 23
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Idi Cohen: Aqoonsiga Somaliland ee Maraykanka iyo Imaaraadku Wuxuu Qodax Ku Noqon Doonaa Turkiga

    Wuxuu sheegay in Turkigu uu dano siyaasadeed iyo kuwo amni...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wuxuu sheegay in Turkigu uu dano siyaasadeed iyo kuwo amni...



Falanqeeyaha arrimaha siyaasadda, Idi Cohen, ayaa sheegay in haddii Maraykanka iyo Imaaraadka Carabta ay aqoonsadaan Somaliland, tallaabadaasi ay saameyn weyn ku yeelan karto danaha siyaasadeed iyo istaraatiijiyadeed ee Turkiga ee gobolka Geeska Afrika.


 

Idi Cohen ayaa xusay in aqoonsiga Somaliland uu beddeli karo isu dheellitirka siyaasadeed ee gobolka, gaar ahaan marka la eego loollanka u dhexeeya quwadaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee ku tartamaya saamaynta istaraatiijiga ah.



 

Wuxuu sheegay in Turkigu uu dano siyaasadeed iyo kuwo amni ku leeyahay Soomaaliya, isla markaana aqoonsi kasta oo Somaliland hesho uu caqabad ku noqon karo qorshayaasha Ankara ee gobolka.


 

Falanqeeyahan ayaa tilmaamay in aqoonsiga Somaliland ee dalal waaweyn sida Maraykanka iyo Imaaraadku uu horseedi karo isbeddel cusub oo dhinaca diblomaasiyadda iyo siyaasadda gobolka ah.

Loading...
Loading...