Wasiirka Tamarta Somaliland oo Berbera Ka Dhagax-dhigay Mashruuc Koronto oo $24 Milyan Ku Kacaya
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland, Eng. Axmed Jaamac Barre, ayaa magaalada Berbera si rasmi ah uga dhagax-dhigay mashruuc cusub oo lagu ballaadhinayo adeegga korontada magaalada, kaas oo leh awood soo saar koronto oo dhan 12MWp, isla markaana ay ku jiraan baytariyo kaydinta tamarta ah oo gaadhaya 70MWh.
Mashruucan oo qiimihiisu dhan yahay 24 milyan oo dollar ayaa la sheegay inuu si weyn uga faa’iideysan doono bulshada gobolka, gaar ahaan shacabka magaalada Berbera, iyadoo uu kaalin muhiim ah ka qaadan doono joogtaynta, tayaynta iyo ballaadhinta adeegga korontada.
Wasiir Axmed Jaamac Barre ayaa sheegay in mashruucan uu qeyb ka yahay dadaallada xukuumadda Somaliland ee horumarinta adeegyada aasaasiga ah, gaar ahaan tamarta iyo korontada, isagoo xusay in Berbera si tartiib tartiib ah ugu socoto inay noqoto xarunta ganacsiga ee dalka.
"Berbera waxay noqonaysaa xarunta ganacsiga ee dalka. Dowladda Somaliland way garab taagan tahay cid kasta oo maalgelinaysa tamarta la cusboonaysiin karo, waanuna dhiirrigelinaynaa,” ayuu yidhi Wasiirku.
Mashruucan tamarta ayaa lagu tilmaamay mid sare u qaadaya maalgashiga, kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta doorka istaraatiijiga ah ee magaalada Berbera oo ah marin muhiim u ah ganacsiga iyo horumarka Somaliland.


0 





