Guddiga Amniga Awdal oo Cafis u Fidiyey Dhalinyaradii Loo Xidhay Mudaharaadkii Boorama

0
Sunday May 24, 2026 - 23:15:28 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 23
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Amniga Awdal oo Cafis u Fidiyey Dhalinyaradii Loo Xidhay Mudaharaadkii Boorama

    Warqad ka soo baxday xafiiska maamulka gobolka Awdal habeenkii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warqad ka soo baxday xafiiska maamulka gobolka Awdal habeenkii



Guddiga Amniga ee Gobolka Awdal ayaa cafis guud iyo saamaxaad u fidiyey dhammaan dhalinyaradii loo xidhay mudaharaadkii ka dhacay magaalada Boorama 17-kii bishan May, kaas oo muddo kooban hakad geliyey dhaqdhaqaaqii ganacsi ee suuqyada magaalada.


 

Warqad ka soo baxday xafiiska maamulka gobolka Awdal habeenkii xalay ayaa lagu wargeliyey waalidiinta iyo ehelada dhalinyarada xidhnaa inay soo gudbiyaan waraaqo nootaayo ah oo caddeynaya inay qaadaan masuuliyadda wiilasha iyo gabdhaha loo hayey rabshadihii ka dhacay magaalada Boorama.



 

Go’aankan ayaa yimid kadib markii waalidiinta dhalinyaradaasi ay codsiyo rasmi ah u gudbiyeen Guddiga Amniga, iyagoo dalbaday in la sii daayo carruurtooda, isla markaana ballanqaaday inay qaadi doonaan masuuliyadda ubadkooda si aanay mar kale ugu lug yeelan falal rabshado wata.


 

Wararka laga helayo magaalada Boorama ayaa xaqiijinaya in dhammaan dhalinyaradii xidhnaa la sii daayey, kuwaas oo ku kala jiray xabsiyo kala duwan, isla markaana hadda dib u helay xorriyaddooda kuna sugan guryahooda.

Loading...
Loading...