Safiirka Somaliland oo Ka Hadlay Xidhiidhka Israa'iil iyo Mowqifka Dalalka Carabta

0
Sunday May 24, 2026 - 22:46:05 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 28
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka Somaliland oo Ka Hadlay Xidhiidhka Israa'iil iyo Mowqifka Dalalka Carabta

    Safiirka ayaa caddeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay weli ka go'an

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka ayaa caddeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay weli ka go'an



Safiirka Somaliland, Amb. Maxamed Xaaji, ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay in qaar ka mid ah dalalka Carabta iyo Islaamka ay doorteen cadaadis siyaasadeed halkii ay ka qaadan lahaayeen wada-shaqayn iyo isfaham wax dhisaya oo ay la yeeshaan Somaliland.


 

Safiirka ayaa caddeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay weli ka go’an tahay go’aamadeeda madaxbannaan iyo iskaashi nabadeed oo ay la yeelato beesha caalamka, isaga oo xusay in xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil uu ku dhisan yahay dano wadaag iyo iskaashi labada dhinacba muhiim u ah.



 

Amb. Maxamed Xaaji ayaa sidoo kale sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil uu sii kobcayo, isla markaana uu ku socdo jihayn deggan oo wax dhisaysa, isagoo xusay in Somaliland ay mudnaan gaar ah siinayso diblomaasiyad, xasillooni iyo iskaashi caalami ah.


 

Safiirka Somaliland ayaa sheegay in Somaliland ay doorbidayso wada-hadal, iskaashi iyo xiriir diblomaasiyadeed oo ku dhisan danaha labada dhinac, halkii laga adeegsan lahaa cadaadis siyaasadeed iyo is-faham la’aan.

Loading...
Loading...