Madaxweyne Cirro: Somaliland Way Buuxisay Shuruudaha Dowladnimo ee Montevideo Convention
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in Somaliland ay buuxisay dhammaan shuruudaha dowladnimo ee ku cad heshiiska Montevideo Convention, kaas oo dhigaya halbeegyada caalamiga ah ee lagu qiimeeyo dalnimada.
Madaxweyne Cirro ayaa xusay in Somaliland leedahay xuduudo cayiman, dad joogto ah, dawlad shaqaynaysa iyo awood ay kula macaamisho beesha caalamka, kuwaas oo dhammaantood ah qodobbada aasaasiga ah ee heshiiska Montevideo Convention.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay muddo ka badan 30 sano dhisaysay hay’ado dawladnimo, amni iyo nidaam dimuqraadi ah, isagoo ku dooday in Somaliland ay buuxisay shuruudihii dal madax-bannaan lagu noqon lahaa.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa hadalkiisa ku tilmaamay in aqoonsiga caalamiga ahi u baahan yahay in lagu saleeyo shuruudaha dowladnimo iyo xaqiiqooyinka jira, isagoo arrintaas ku barbar dhigay doodaha ku saabsan aqoonsiga dalalka kale ee caalamka.


0 





