Safaaradda Somaliland ee Ethiopia oo Addis Ababa Ku Qabatay Xuska 18-ka May
Safaaradda Somaliland ee dalka Ethiopia ayaa magaalada Addis Ababa ku qabatay munaasibad ballaadhan oo lagu xusay 18-ka May, maalinta xuska dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland.
Munaasibadda ayaa waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Ethiopia, diblomaasiyiin, marti-sharaf kala duwan iyo xubno ka socday jaaliyadda Somaliland ee ku nool dalka Ethiopia.
Mas’uuliyiintii madasha ka hadlay ayaa ka warbixiyay muhiimadda ay 18-ka May u leedahay shacabka Somaliland, iyagoo xusay taariikhda, midnimada iyo horumarka ay Somaliland gaadhay muddadii ay jirtay.
Safaaradda Somaliland ee Ethiopia ayaa sheegtay in munaasibaddan ay qayb ka tahay xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed, isku xidhka jaaliyadda, iyo muujinta qiimaha maalinta qaran ee 18-ka May.


0 





